inta akhrisatay

Monday, December 16, 2013

Muhiimada Barashada Cilmiga < < < < Illahay ayey mahad iyo amaani u sugnaatay kana nasahan xumaan idilkeed! Walaalayaal salaan aad u qaaliya ka dib waxaan idin soo gudbinayaa waxyaabo aynu ka garan karno faa,iidooyinka ama muhiiimada barashada cilmiga. Ugu horayntii waxaa lagama maarmaan ah inaynu ogaaano muhiimadda barashada cilmiga inoo leedahay iyo mida kale inay tahay waajib muqadas ku ah qof kasta oo muslim ah rag iyo dumarba. Arrintan oo aad loogu soo cadeeyey axaadiis fara badan oo laga soo weriyey nebigeenna Muxammed (S.C.W.). Taasi waxaad ka arki kartaa in ilaahey (S.W.) uu faray nabigeenna inuu ku ducaysto Rabbigayow ii siyaadi cilmi. Waxaan meeshaa ka arki karnaa in cilmigu yahay nuur ilaaheyna ma siiyo qof kasta ee qof uu raali ka yahay mooye. Dhinaca kale fadliga cilmiga waxaa daliil cad u ah marka aad bixiso oo aad fidiso wuu siyaadaa, hase yeeshee maalku wuu nusqaamaa markaad bixiso.Tusaale ahaan haddaad boqol dollar aad labaatan dollar danahaaga adduunyo ku bixisato waa ay nusqaantaa; halka haddaad Cilmiga barato oo gudbiso aad xafideyso Mas,alooyin kalena kuusii baxayaan.Haddaba, halkaasi waxa innooga cad inaan la koobi karin fadliga Cilmiga, sidaasi darteed ayaa qof kastoo Muslim ah waxa waajib ku ah afar xaaladod oo kala ah 1- Inuu wax barto oo diinta barashadeeda u qasdo, 2-Inuu ku camal falo waxa u bartey, 3- In wixii uu bartey uu dadka kale gaarsiiyo, 4- Inuu sabro qofka wax baranaya iyo macalinka dadka wax barayaaba. Waxa laga yaabaa in Qofka wax baranaya iyo kan dadka wax barayaaba ay ka hor yimaadaan dhibaatooyin kala duwan, gaar ahaan sabankan hadda lagu jiro, waayo Nabigeenna Muxammed (s.c.w) wuxuu yiri: << Waqtiga Aakhrio sabanka waxa uu la mid yahay qofka diintiisa haystaa qof dhuxul dab ah haysta oo kale>>. Taasina waxay ina faraysaa sabir badan. Anas Bin Maalik oo ahaa khaadimkii Nabiga (s.c.w) ayaa waxa uu yiri: � Ninka Caalimka ah ee fiican qasadka uu wax u baranayo waa Ilaalin; oo ah in uu waxa uu bartey ku ilaaliyo naftiisa iyo dadka kaleba,; kuwa aan caqliga lahayn qasadka uu wax u baranayo waa Riwaayo - oo ah iney ku doodaan-, waxna ku cunaan, iskana uun ogaadaan uun, balse uma baranayaan Ilaahay dartii. Cilmigu waa Iftiinka Nolosha, aayado iyo axaadiis badan ayaana ka hadlay qiimihiisa iyo waxtarka uu u leeyahay qofka iyo bulshadaba, Sidaasi awgeed ayaa qofka Cilmiga bartey aad uga qiimo badan yahay qofka aan waxba baran. Allaah (s.w) waxa uu aayad Quraan ah ku yiri Nabi Muxamedow ku dheh: (( Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin, waxa ku waansama uun kuwa garaadka u saaxiibka ah)).Zumar/9 Waxa kale oo laga soo wariyey nabiga (s.c.w)inuu yiri: Ruuxii doorta ama aada dariiq uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay waxa uu u sahlaa dariiqa Jannada>>. Arrimahaasi waxay ina tusayaan Muhimadda Cilmigu inoo leeyahay, yahayna ka kaliya ee aan ku garan karno faa,iidadiisa. Wabilaahi Tawfiiq

Sunday, December 15, 2013

Wax Badan Ka Ogoow Rassuulka SCW Iyo Jaceylkii Uu U Qabay Umadiisa Oo Idil } } { JACEYLKA UU RASUULKA CSW, U QABAY UMMADIISA. Rasuulkeena CSW, Nafsadiisa waxaa ugala qiimo badneyd Ummadiisa, mar war walba wuxuu ahaa kii u dooda Ummadiisa, Jaceylka uu u qabo Ummadiisa ma aheyn mid la soo Koobi karo, sida aan ka arki doono, Geeridiisa markey soo Xaadirtay isaga iyo Malakul Jabriil wixii Dhex maraay, sidan ayeyna wax u Dhaceen:- Rasuulka CSW, Geeridiisii ayaa Markuu u yimid Malakul Mowt, ayaa wuxuu ku yiri:- Malakul-Mowdow Xaggee uga soo tagtay Malakul-Jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:-waxaan uga soo Tagay Samada Adduunyada. isla markiiba waxaa yimid Malakul-Jibriil, wuxuuna Fariistay Nebiga CSW, Madaxiisa, wuxuuna Rasuulku yiri:- Miyaadan Ogeen in Amarkii Dhawaaday? Wuxuu yiri:- waan Ogahay Rasuulkii Illaahayow. Rasuulku wuxuu yiri:- iigu Bishaarey Illaahay Agtiisa waxa ii yaala oo Wanaag ah. Jibriil wuxuu yiri:- Albaabada Samada waa la wada Furay, Malaa’igtii Illaahayna Saf ayey galeen iyagoo Sugaaya Ruuxdaada, Albaabadii Jannadana waa la wada Furay. Rasuulkena CSW, wuxuu yiri:- iigu Bishaaree sida ay ahaan Doontaa Ummadaydu Maalinta Qiyaamaha?. Jibriil wuxuu yiri:- waxaan kuugu Bishaaraynaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka Xarimay (u diiday) Ambiyada illaa Nabi Muxammad CSW galo, sidoo kale jannada waan ka Xarimay Ummadaha Illaahay oo dhan ilaa ay Ummadda Nabi Muxammad CSW, ay ka galaan. Rasuulkuna wuxuu yiri:- Hadda ayuu Wanaagsanaaday Qalbigaygu, igana Suushay Murugtii. Wabillaahi Towfiiq. (ILAAHOOW NAGA YEEL KUWII RASUULKA U SHAFEECA)

Saturday, December 14, 2013

Sidee ayaynu u Tarbiyadaynaa Caruurteena. < < < < Mawduucan waxaan doonayaa in aan kaga hadlo wixii alle iga garansiiyo bal sida ugu fiican ee aynu caruurta u tarbiyadayn karno. Waxaa mawduucan igu kalifay markii aan arkay hooyooyin badan oo ubadkii ay dhaleen caayaaya, dadka ku diraaya, xakhalaaqdiisa aan ka warhayn. Yaa marka hore ka mus’uul ah tarbiyada caruurta? Waxaa si toos ah uga masuul ah tarbiyada caruurta qofkii markaas gacanta ku haye sida: Aabe,hooyo, walaal ,edo, habaryar, abti,adeer iyo wixii la mida. Tarbiyada uu ilmuhu u baahan yahay waxaa ay martaa heerar kala duwan iyadoo ay ku xidhantahay kolba heerka uu maraayo, hooyada ayaa waxa ay tahay ta ugu horaysa ee masuuliyada ilmaha qaada isla marka uu dhasho, kadib waxaa dhici karta in uu qof kale oo ehelka ahi uu damaanad qaado korinta ilmaha markaas qofkaas ayaa la wareegaya. Marka ugu horaysa waxaa muhiim ah in hooyadu fahanto kolba heerka uu ilmaheedu taaganyahay nooca tarbiyadadeed ee uu u baahanyahay, Waxaa fiican in ilmaha la baro sida fiican iyo kalmadaha fiican ee lagu hadlo, dadka loola dhaqmo, caruurta loola ciyaaro guriga loo joogo dariiqa loo socdo, wax loo cuno, wax loo barto gooraha ugu fiican ee aad ilmaha wax ugu sheegi kartaa waa markuu intaa wax ka mid ah uu gacanta ku hayo sida marka uu wax cunaayo in loo sheego qaabka cuntada loo cuno sidii uu xadiiskii Nabigu ahaa (SCWS). Hadaba waxaad moodaa in taasi ay ka daboolantahay in badan oo bulshadeena ka mid ah gaar ahaan qaar ka mid ah hooyinka Waana dhib si toos ah inoo wada saamaynaysa hadaba arinta ugu horaysa ee si toosa loo baalmaro waa hadalka ilmaha la baraayo. Waxaa jira hooyooyin badan oo isla marka uu ilmahoodu raad qaado afkana baranaayo ku bilaaba cay sid (aabihaa, awowgaa waxaa ku samee, kalab, i.w.m) ka dib ilmuhu ma garan karo mana qiyaasaayo waxani waxa uu yahay laakiin maskaxdiisu waxay u baahantahay oo kaliya wax ay duubto hadana soo celiso, muddo yar waxaad arkaysaa ilmihii oo hoyadii caayaaya sababta oo ay tahay hore ayay maskaxdiisa ugu duubmatay mana garanaayo cida ka mudan iyo cida kale, waxaa kaloo jira in ilmaha marka afka la baraayo dadka guriga joogaa qaarkood ay ku yidhaahdaan hebel cay anigaa kaa celinaayee waxaas iyo waxaas ku dheh oo inta badani ay cay tahay. Taasina waxay ilmaha ka dhigtaa mid cayda aanu wax xunba u haysan. Inta badan waxaa dhacda in hooyooyinka qaar ka mid ahi ay ilmahooga marka ay caruur kale is diriraan ay ku tidhaahdo iska celi oo adiga oo hebal ama heblaayo iska celiya oo wado cad iska mariya mooyee ha ii iman, ujeedada ay hooyadu rabtaana waa in ilmaheedu uu noqdo mid geesi ah oo caruurta qayrkii ah iska reeba, hadaba markaa ilmaha sidaas loola hadlo wuxuu ku barbaarayaa axmaqnimo iyo dagaal jeclaan wuxuuna caadi u arkayaa wax kasta oo dhib ku ah bulshada kale waa sida hadda umada soomaaliyeed u badantahaye. Waxaa mihiim ah in ilmaha laga koriyo jidh ahaan iyo maskax ahaanba, maaha in ilmaha cuntada oo kaliya la siiyo laakiin waa in wax fiican maskaxdiisa la galiyo si fiican loo koriyo oo wax fiican loo sheego. Qodobo aad iyo aad Muhiim u ah Barbaarinta Caruurta. 1. In ilmaha marka uu dhaso Nadaafadiisa si fiican loo daryeelo si uu hadhaw caafimaad fiican u helo. 2. In la siiyo cuntooyin vitamin leh inta uu ku jiro muddada korniinkiisa kaas oo kolba da’da uu maraayo uu u baahan yahay cunto u gaara taasi waxay ka caawinaysaa maskax ahaan iyo jidh ahaanba in uu si fiican u koro. 3. In ishiisa iyo dhagtiisaba laga ilaaliyo waxyaabaha xun xun sida, cayda, film, heesaha iyo xanta. 4. In la baro sida wax loo cuno sidii Nabiguba (scsm) uu inanka yar u baray sida cuntad loo cuno ee uu yidhi ku bilow magic alle dhanka ku xigana ka cun. 5. In labaro sida nidaamsan ee guriga loo joogo iyo dhaqan wanaaga. 6. In lala saaxiibo ilmahaaga. 7. Baro asaxaabtiisa haddii ayna ahayn qaar u qalma ama akhlaaqdiisu ayna wanaagsanayan si fudud uga dhaadhici sidii uu uga hadhi lahaa. 8. Bar xaqa uu dadku ku leeyahay iyo ka isaga lagu leeyayahay marka aad la hadlaysidna kala hadal meel uu wax ka fahmi karo oo tusaalayaal la arki karo tus. 9. Uga sheekee dadka wanwanaagsan iyo asaxaabtii Nabiga (sc) iyo bulshada uu markaas la noolyahay dad fiican oo ka dhex muuqda siday heerkaa ku gaadheen. 10. Waani oo ka caawi in marxalad kasta oo noloshiisa ka mid ah sidii uu kaga gudbi lahaa iyo wixii kala gudboon sababtoo ay tahay adiga ayaa hore u soo maray wadadan sidaa darted waad garanaysaa wixii dhib kaaga timid iyo sidii loo xalin lahaa. 11. Ogow ilmahaagu wiil iyo gabadhba marka uu qaangaadho in uu mid kastaaba u baahan yahay in aad si gaara ula dhaqantid una sharaxdid waxyaabaha cusub ee noloshiisa ku soo biiray. 12. Ka ilaali in ilmuhu uu ku maqlo adiga oo wax caayaaya, xaqiraaya, been sheegaaya isagana ha ku samayn intaas midna.

Abuu Xumayd Cabdur Raxmaan Ibn Sacdis-Saacidi(A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u xilsaaray nin reer Azdi ah oo la yiraahdo Ibn Lutbiya inuu soo ururiyo sako. Markii uu ku soo laabtay (Madiina) ibn Lutbiya buu yiri: Intaan tirada badan adaa leh, waa waxa aan soo ururiyey sako ahaan, intaan oo dhanna hadiyad ahaan anaa la i soo siiyey. Sidaa markuu yiri buu Nebigu (S.C.W.) inta kacay oo minbarka fuulay buu jeediyey khudbo. Wuxuu marka hore ammaanay oo hufay Alle dabadeetana yiri intaas kaddib: Waxaan wakiishay midkiin si uu howl iigu soo qabto ah xilkii Alle i dhiibey. Markii uu howsha soo bogo buu ninkaa soo laabanayaa isagoo leh: intaa waa xoolihiinnii, intaanna anaa la i soo siiyey hadiyad ahaan. Haddii uu run sheegayo muxuu guriga hooyadi ama Aabbihi u fariisan waayey illaa uu qof ugu yimaado, oo hadiyado u keena! Alle baan ku dhaaran qofkii wax aan xaqiisii ahayn qaata, wuxuu maalinta qiyaame Alle la kulmayaa isagoo dhabarka ku sida wixii uu ku qaatay xaqdarrada. ee yaanan arag qof idin ka mid ah oo Alle la kulmay isagoo xambaarsan hal guuxaysa ama lo'qeelyeysa ama ri ciyeysa (macnaha isagoo ku laran xoolihii iyo hantidii uu xaqdarrada ku qaatay). Dabadeedna isagoo gacmahiisa kor u qaadaya ilaa caddaanta kilkilooyinkiisu muuqdeen, buu wuxuu yiri: "Alloow ma gaarsiiyey wixii aad i fartay" oo seddex jeer ku celceliyey. (Bukhaari iyo Muslim)

Walaasheyda aan dar alle u jeclahay fur dhambaalkaan < < < > Walaasheyda soo dhigta sawiradeeda Facebooka !! Si loo amaano ama loo dhaho waaw nice pic waad shidantahay , Adaa ku leh I.W.M Allaah ka baq adoontii allaay haku tacidin nimcada allaah dhab ahaan allaah baa nimcadaas quruxda ah ku siiyay kaana sharfay dumarka kula midka ah ee ha iska qaadin sharafta dheeman bad tahayee xijaabkaaga ku dhaganoow. ahaaw sidii jawharad Qurux badan aysan arkin dadkoo dhan laguna soo gaaro booskeeda si dhib badan laguna daydo Laakin ha noqon mid isku qurxisa si loo amaano u geesa sawiradeeda banaanadada (Adoonti allaay ka baq allaah ) kuna dheh '' Iga raali noqda aduun iyo Ragoow '' Intaan ku raali galin lahaa allaah baan raali gilin !! illeen jannada baan caashaqay hammina iga galay

Thursday, December 12, 2013

Habkeen u wada hadlaynaa (shukaansiga) Habkee ula hadlaysaa markaad la hadlayso wiil aad wada sheekaystaan? Habkeedse ula hadlaysaa markaad la hadlayso gabar aad wada sheekaysataan? Kalmadahaaad adeegsanaysowaa sideee?Habkee u wada hadlaynaa? wax walboo kugu soo dhaca maku oranaysaa uu jecel yahay inaa ku tiraahdo/ay jeceshahay inaa kutiraahdo?mise waxaa jira hadal o aan haboonayn inaadadeegsato?hadaladada isticmaalayso markaad la hadlayso Ninkaaga /Xaaskaaga iyo weedhaha aad adeegsanayso markaa la hadlayso qof kale farqi intee le,eg ayaa u dhexeeya?Erayada macaan erayada soo jiidashada leh erayada dareenka qofka kicinayaiyo erayada caadiga ahee ay isku oran karaaan dadkoo dhan waa kala duwan yihiin .hadaba Maxaa ugu wacan dhalinyaro badan inay adeegsadaan erayo loogutalagalay dad xalaal isu ah inay isku yirahadaan markay wada hadlayaan (shukansanayaan) siiba Netka Soo lagama wanagsana in nin aan kuqabin aad ku tiraahdo GACALIYE ,ABOOWE MACAANE , XABIIBI.QAALI. DAWADII NAFTAYDOOW,MA SEEXDO DARAADAAADAAN KUGU FEKERAA WAAN KUU XIISAY sidoo kale aad ku tiraahdo gabar aadan qabin GACALISO ,ABAAYO MACAANTO,XABIIBTI,QAALI,DAWADII NAFTAYDAAY,xalay waxan ku riyooday inagooo!!Inta la soo xafido erayo iyo gabayoyaab lehla is dhaafsado waxay is waydiin karaan dad badan maxa ku jaban? waa wanaag uune,, erayadan isticmaalkooda wax weyn ayay keeni karaaan hadaan laga feejignaan booskooodiina la dhigin,waxa dhacda inaa tiraahdo afkaa iga bartayanoo iri ayaan is arkayaa wax xumaan iyo soo jiidashana kama wado iyo khiyano iyo been toona waa iga daacad qalbigeey ka soo go,eeen !!.qaar kale waxay Xujo ka dhigtaan Waan is jecel nahay,Waa isu doonanahay Waan is rabnaa, waxaabajira qaar markaa ku tiraahdo erayadaa isticmaaleyso looguma talagalin inaa aniga igu tiraahdo la soo booda waa ku Rabaa oo waan ku danaynayaa soomaha maxaa ka micno ah hadaaan isku niraahno!!Wax walba markii Caadi lagasoo qaado waxaa caadi noqda Waxaan caadi ahayn!! Gabdhaha qaaar waxa jira Codkoodu aad umacaan yahayaad u dabacsan yahay markay kalmad yiraahdaan aad loola dhaco ku suuxinayo codkoodu hmmm. Ama ha ugu talagaleen ama yaysan ugu talageline ha ilaaliyaan gabdhuhu hadlkooda iyo codkoodaba yayna jilcin intii karaankooda ahna ha isku dayaan inaysanu noqon sabab Midka qalbigiisu jiran yahay inay Damac geliyaan. waxaa jirtay gabar codkeedu aad u dabacsanaa aadna u macanaaa markay is tiraahdo dukaan wax ka soo iibso nimanka dukaanka iibiya wada eegaan lana dhacaan codkeeda kunayirahadaan cod macaanidaa .!!. laakin iyada ujeedadeedu maaha ku soo jiido codkaaga Raggaan ee waaa cod Allaah u dhaliyay maalinkii danbe waxan go,aansaday bay tiri inan waxan rabo ku qoro warqad kadibna u dhiibo ninka wax iibinaya anigoon la hadal sidaasna uga soo iibsado waxaan rabay iyagoo imooda inan dhego la,ahayanoo Fitnayn cidna. si aan uga badbaado inan ka mid noqdo kuwuu yiri Allaah (Ha jilcninaoo ha dabcinina hadalkiina si uusan idiin damcinmidka qalbigiisu jiran yahay) suratu Axzaab 32 waxaa la sii raaciyay aayada inteeda danbe hadalMacruuf ahnaku hadla. adigu ma ogid markaa ninkaan ku leedahay Macaane Gacaliye siduu noqonaayo qalbiigiisu sidoo kale adna ma ogid gabdhaan markaa ku tiraahdo Xabibti siduu noqonaayo qalbigeedu.dadka is shukaansanaya maaha dad isku xalaal ah oo waxay doonaan isku dhihi karasidoo kale kuwa isku doonnan maaha dad isu xalaal ah.waxaa loo baneeyay waa inay ka hadlaaan wixii dantooda ah iyo inay ka wada hadlaan mustaqbalkooda Waa inuu Caqligu kulmiyaa labada is doonaysa ee guur xalaal ah iska raba,hadii caqliga meesha laga saaro oo xaalku noqdo waan jeclahay way i jeceshahay lagana gudbo xuduudii loo dhigay wada hadalkooda waxaa dhacaysa wax aanciribtiisa la mahdin .waqtiga isbarashaduna waa waqti loo gogol xaarayo sidii loo dhisi lahaa Guri ee maaha waqti guri la wadajoogo.Hadeey sidaa tahay waxa lagama marmaan ah inan hadalkeena kontaroolno inagoo raacayna ku hadlahadal Macruuf ah,2da qof ee isu doonnan guur iska raba sheeko u socoto dabcan waa dad is doortay hadey niyadooda wanaajiyaana waxaa xaqiiq ah in Alle wax walba waafajinayo sidaan wada ognahay islaamku wuxuu leeyahay qaacido taasoo ah inuu ka hortago wax walba intaysan dhicin sameeyana sababihii loo xakamayn lahaaa waayo cudurku intuusan ku dhicin qofka hadii la xakaameeyo lana sameeyo ka hortag waxaa dhab ah inuu yaraanayo faafitaankiis((Alwiqaayatu khayrun minal cilaaj)).2da isu doonan waxaa ka xaaraam ah (Khalwah)Inay isla kali noqdaan. is Taabasho. Sidoo kale Eegis midba kan kale ka eego intii sharcigu u baneeyay mahee,Waxaa sahlan inaa iska ilaalisoTaabasho iyo eegmo laakiin ma sahlana sidaa u kantarooli lahayd waxa afkaaga ka soo baxaya ilaa aad la timaado mooyeee dadaaal badaniyo ka fiirsasho badan. Hadaba walalayaal waxan qoraalkaan yar ugu talaglay inan isku baraarujino inan ka dhigno hadalkeena mid ilaashan aynaan isaga hadal wixii nagu soo dhacaba. Ilahay hanaga dhigo kuwa hadalka maqla kisa wanagsana qaata by #mahad nuur cade

Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO


Waxaan rabaa Gabadh RAALIYO ah!

Markaad waydiiso niman badan oo guurdoon ah oo soomaaliyeed gabadha uu rabo inuu guursado sifooyinkeeda wuxuu kuugu jawaabayaa, waxaan rabaa gabadh raaliyo ah! Markaad sii su,aasho raaliyo waxay tahay sharaxeeda, qaarbadani waxay ku jawaabaan raaliyo waa raaliyo,

qaarbadanna way ku kala fikir duwanaadeen gabadha raaliyada ah sifadeeda. Hadaba raaliyooy yaad tahay.

*.Gabadha aan guursanayaa waa inay ahaataa mid aan hadalkayga hadal ka daba keenin. Markaan hadlayo waa inay iyadoo khushuucsan i hor timaadaa iyadoo hoos eegaysa. Xaraf kasta oo aan farana waa inay isla markiiba ku dhaqaaqdaa iyadoon hadal kasoo celin. Raaliyadaydu waa taas.

*.Gabadha aan guursanayaa marka ay ila hadlayso waa inay hadalkeeda hoos u dhigto, maadaama oo ay naagtaydii tahayna waa inayna ila doodin, ila murmin, igu qaylinin, i karaahiyeysanin, cadhadeedana waa inayna itusin marnna. Raaliyadaydu waa taas.

*.Gabadha aan guursanayo waa inay ogaataa inaan anigu iska leeyahay inta Ilaahay ka sokaysa, sidaa darteed si kasta oo aan ka yeelo waa inay iigu dul qaadato hadal la,aan. Raaliyadaydu waa taas.

*.Maadaama oo ay diintu ii ogolaatay inaan maamulo iyada, hadaan i dhaahdo albaabka ha gaadhin waa inayna gaadhin, hadaan i dhaahdo maanta oo dhan idul taagnow waa inay samaysaa, hooyadeed oo sakaraada hadaan idhaahdo ha u tagin waa inay hadal la�aan i maqashaa. Gidaarka madaxa u sii jeedi 24/7 hadaan i dhaahdo waa inay samaysaa. Aniga Raaliyadaydu waa taas.

*.Raaliyadaydu aniga waa sidan, sida wax loo qoro waa inayna aqoon, wixii aan anigu cilmi u baro mooyaane cilmiga kale oo dhan waa inay ka dhago la�aataa, afcarabi hadaan kula hadlo waa inay moodaa inaan aayad quraana u akhrinayo, Raaliyadaydu waa taas mida jaahilada ah ee aan anigu sidaan rabo wax u baro.

*.Gabadha aan guursanayaa habeenka u horeeya waa inay i dareensiisaa inaan ahay sayidkeedii, sidaa darteed waa inay gacanteeda kusoo qaadato ushii aan ku edbin lahaa. Raaliyadaydu waa taas.

*.Raaliyadaydu aniga waa mida iyadu gacanteeda iigu soo xusha gabadhii aan la guursan lahaa. Taas weeye Raaliyadaydu.

*.Aniga raaliyadaydu waa inay ahaata mida markasta ka fikirta sidii ay ii raali galin lahayd aniga bas, waa inay ahaataa mid aad ii kool koolisa, markastoon guriga soo galo waa inay ii diyaarisaa musqushaan ku qubaysan lahaa waa inay diyaar sii ahaataa, cunto midii ugu macaanayd waa inay iisii diyaarisaa, ubadka buuqooda waa inay iga ilaalisaa, guriga iyo nafteedana waa inay sii giijisaa. Raaliyadaydu waa taas.

*.Raaliyadaydu aniga waa inay noqotaa mid dadka kala hadasha bas inta aan anigu u ogolahay bas, waalidkeed hadaan necbahay xataa waa inayna la xidhiidhin maadaama oo aan anigu qawaam u ahay. Raaliyadaydu waa taas.

*.Raaliyadaydu aniga waa mida lacagta aniga iga sugta, maalkeeda iyo nafteedaba waa mida ii hibaysa. Hadii ay lacag leedahayna waa inay iga idin qaadato waxay ku samaynayso lacagteeda. Raaliyadaydu waa taas.

Hadaladaas aan soo sheegay oo dhan iyo kuwo kasii badan oo aan soo koobi karin, waa hadalo ay ku riyoodaan in badan oo kamida nimanka guurdoonka ah. Hadaba Raaliyooy maxaad tahay, ma sida kor ku xusan mise si kale oo aan la aqoon, akhristahaan jawaabta u daayey.?

Tuesday, December 10, 2013

Naftaada Weydii Su�alahan?..... . . *.Ma ku tukata mar waliba salaadda Fajirka jameeco ahan masjidka maalin waliba? *.Salaadaha oo dhan ma ku tukataa masjidka si jameeco ahaan? *.Maanta ma akhrisay qayb ka mid ah Kalaamka ALLE ( Quraanka ) ? *.Ma tukaata dhamaan sunnooyinka ka hor iyo kadib Salaadaha faradka ah? *.Ma ku dhex khushuucsanayd salaada aad tukanesay manta mana ogeyd waxa aad akhrinesay? *.Ma ku fikirtay mana xustay geerida iyo qabriga? *.Ma xustay mana ku fikirtay maalinta qiyaamo cabsideeda iyo argagaxeeda? *.Ma weydiisatay ALLAH swt 3 jeer inuu Janada ku geeyo? Maxa yeelayAnas ALLAH ka raali noqdee, wuxu Nabiga csw ka soo wariyey , Marka uu qofku ALLAH swt weydiisto 3 jeer in uu Janada galo, Janada aya waxay tirahda.. ALLOW geli Janadiisa! Sido kale marka uu qofku ALLAH swt weydiisto inuu ka xijaabo cadaabka naarta, naarta waxay tirahda ALLOW ka xijaab cadaabka ( Atarmidi, Annisae iyo Alhakim, Saxiixal jaamic, (by Albani ) No: 6275 *.ALLAH swt ma weydiisatay 3 jeer inuu kaa xijaabo cadaabka? *.Ma akhrisatay xadiith ka mid ah xadiithyada Nabiga csw `? *.Ma ka fogaata la socoshada asxaabta xun xun? *.Ma isku daydaa in aad ka dheeraato qosolka faraha badan iyo kaftanka badan? *.Ma u oysay maanta ALLAH swt dartii? *.Ma akhrisatay adkaarta subaxii iyo habeenkii? *.Ma weydiisatay ALLAH swt dambi dhaaf manta? *.Ma u weydiisatay ALLAH swt si daacad ah oo khushuuc kujiro inuu ku siiiyo Shahaadah? maxaa yeelay Nabiga csw wuxu yiri Qof walboo ALLAH swt ka dalbado Shahaadah si daacad ah, ALLAH wuxuu siiya darajo la mid ah Shahiidyada xita qofkas haduu ku dhinto Sariirtiisa! *.Ma weydiisataa ALLAH swt inuu qalbigaaga ku sugo diintiisa?

Ma ogtahay inay tahay qunbulad qarxi karta markay doonto.!!! . . . Bismilaah.. Diinteena islaamku wax walbooy inaga reebto waxaa ku jira maslaxadeena aduun iyo aakhiro aynu ogaano ama yaynaan ogaan maslaxdaa. mar walbuu qofku fududeysto wixii Allah iyo Rasuulkiisa scw ka reebeen waxaa ku dhaca wuxuusan jeclaysan ama uu ka shalaayo marka danbe. xadiisyada iyo aayadaha looguma talagelin xili gaara iyo dad gaara waxaase loogu talagalay xili walba iyo dadkoo dhan, marna haku fakarin intaad wixii lagaa xarimay dhex dabaalato inaad liibaan iyo khayr hesho way dhici kartaa inaad tiraahdo imisa qof oo caasi ah ayaa ku nool nolol wanaagsan waliba tayda ka wanaagsan? waxaad ilowsan tahay markaa sidaa u fakarto inaad eegtay waxa muuqda kaliya waxaa kuu muuqda qof caasi ah oo maal leh, caafimaad ilaahay siiyay, haduu doono kaa caruur badan , shaqo fiican haysta qofkaa isaga ah xaaladiisa gudaha ma ogid adigu. wuxuu hoosta ka leeyahay Alla maxaan ahay mid hoogay macaanka nolosha wali ma gelin walina ma dhadhamin waxaa taa cadeynaya dadka aduunka ugu hodansan ama ugu nolol fiican waa kuwa markeey nolosha macaankeeda dhadhamin waayeen isdila ama u leexda xagaa iyo macaasida iyagoo isleh is ilowsiiya dhibka iyo kadeedka idinka haysta noloshaan. taa cagsigeeda waxaa ah qofka Allah swt adeeca wixii uu farayna intuu ka awoodo la yimaada macaasidana ka fogaada isagoo og in Allah arkayo mar walba iyo meel walba iskana qarin karin aragga Allah swt. intaa ka dib mowduucaan rabo inan wax yar iskaga sheegno waxa weeye Maxaad ka ogtahay Khalwada iyo khatarteeda? Khalwah macnaheedu waa isla kali noqosho nin iyo naag aan is geyin meel aan cidna ka arkayn yacni kaligoood joogaan,Ma ogthay inay tahay qunbulo markeey doonto qarxi karta? ma ogtahay inay tahay horudhaca zinada iyo xumaanoo idil ? hadaan soomaali nahay waa arin aan aad u yareysano badankeenuna kuma baraarugsanin khatarteeda. waxaaba laga yabaa inaa maqasho dad leh mala isku soo boodayaa! mala is cunayaa! hadii wiil iyo gabar ama nin iyo naag kaligood noqdaan sheekadii carabtaa noo wadaan, anaga soomaali hadaa nahay waxaas ma naqaan carabtaa sidii loo kala qarinayay markey is arkaan isku soo booda , hadaladaas iyo qaar kaloo badan waa hadalo caado u noqday in badan oo dadkeena ka mida qof Allah u naxariistay maahee ogna in wixii la inaga reebay marna uuna ka imaanayn wanaag inaan sahlanana ayna haboonayn, Haa waa la isku soo boodayaa oo xaaraam iyo Zino iyo faaxisho qarka loo saaran yahay hadaan la iska ilaalin khalwada iyo nin iyo naag aan is geyin oo kaligood meel cidlo ah isla jooga, guri ha noqoto ama meel kalabee. ka waran dhurwaa ari meel cidlo ah ku helay ama looga tagay maxaa laga sugayaa? ? jawabta akhristahaan u daayay . waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkayga yar ha fududedysan walal khalwada Rasuulka Sallalahu calayhi wasalam wuxuu xadiisyo badan nooga digay khalwada iyo khatarteeda iyo inay tahay dariiqii sheydaanka idinku sadaxeyn lahaa isagoo isku kiin qurxinaya ilaa aad macaasidi ku dhacdaan. waxaa wanaagsan inan is barno oraahda ah walal guriga kaligeey baa jooga waan ka xumahay kuma soo gelin karo gabar iyo wiil kuu noqdaba qofka kalena uusan ka caroon isagoo orana way i soo eriday heblaayo ama hebel baa i soo eryay, ama maan cunayaa maxaan ku sameynayaa iwm, kuwa wada sheekaysanaya iyaguna ha iska jiraan khalwada iyo inay meel cidlo ah inteey isla tagaan dhahaan waa sheekeysanaynay ma dadka dhexdoodaan ku sheekaysanaa cidna kuma oran dadka dhexdooda ku sheekayso laakiin iska ilaali meel cidlo ah inaad keligiin ku noqotaan, Rasuulkii Allah sallalahu calayhi wasalam been ma sheegin markuu lahaa لا يخلون رجل بامرأة إلا مع ذي محرم ee qofkan muranka wadaa haboon in runta loo sheego ama ha xanaaqo ama haku raali noqdo..

Waan iska aqaan!!! ... .. Bismilaah Salaada waa iska ridnaa xiligeeda Alxamdulilaah, Ramadan bisha qac baan ka siinaa, xajka cidii ilaahay wax siiyo waa soo gudataa. laakin su,aashu waxay tahay ma baranaa cibaadooyinkaan aan la nimid axkaamtooda? ma baranaa waxyalaaha burin kara? habkee ugu wanaagsan een u gudan karnaa? mise xaaladu waa hadaan la imaado waaba fardo kula carar maxaa la iga rabaa?sheekh hebelna waan waydiin waxaan garan waayo inta kalena waan iska maqmaqlay marar badan. Waan iska aqaan! Maxaa ka wanaagsan inaad taqaan ood barato waxa kugu waajibka ah..waxa kaa xaaraamta ah, Maxaa ka wanaagsan inaad barato Axkaamta dumarka u gaarka ah., waa hadaa dumar tahee,waa laga wanaagsan yahay inaad nin waydiiso mar walba arimo u gaar ah dumarka sida Xaydka iwm. maxaa ku diiday walashayeey inaad barato diintaada inteeda muhiimka ah, laguma laha noqo caalimad fatawooyinka bixisa lagumana laha wax walba ku takhasus laguma laha baro axkaamta sharciga ah dhamaanteed laakiin miyeysan ceeb kugu ahayn inaad waligaa sugto sheekh hebel intuu ka imaanayo Mu'tamarada la qabto sanadkii mar si aad u waydiiso su,aalo su'aalahaasoo laga yaabo inay la xirriiraan nolol maalmeedkaaga sida Salaadada ,Soonkaag, dahaaradaada, noloshaada gaarka ah iyo qaybo kaloo badan. maxaa diidaya inaad adigu cilmiga barato intiisa muhiimka ah hadeey kula soo gudboonaato arin ku saabsan nolol maalmeedkagana aad garanayso jawaabteeda iyo wixii kaaga haboon,. cilmiga diiniga waa ku waajib cid walba inay barato waliba wuu sii kala horeeyaa cilmiyada kale ee aduunkaba waad barataa waxaaba dhici karta inaad Master iyo wax ka sareeya ka gaarto diintaadiina aadan ka aqqoon cilmi dhagood iyo in yaroo aad sheekh muxaadareynaya ka maqashay. miyeysan taas ahayn wax laga xumaado walashayeey ? miyeysan ahayn ka gaabin aad ka gaabisay cilmi la barto kii u muhiimsanaa uguna qiimaha badnaa. miyeysan ahayn wax la isku canaanto inaan diinteenii baran la'nahay iyadoo waqtiga aan joogno cid walba u sahlantahay siduu waxu u baran lahaa. waxaa ku haboon gabar walba inay barato axkaamta u gaarka dumarka. waa aqoon ku anfacaysa noloshaada guud ahaan kuu saxaysa cibaadaada. akhlaaqdaada dhaqankaaga,iyo guud ahaan nolosha qofka bini aadamka ah dhan walbaba waa cilmi uuna ku khasaareyn qofkii bartaa . Dumarkii Saxaabada iyo kuwii ka danbeeyayba waxay ahaayeen kuwo ku dadaala sideey u baran lahaayeen diintooda gaar ahaan waxyaalaha u gaarka dumarka. kama xishoon jirin inay waydiiyaan Rasuulkii Alle salalahu calayhi wasalam wax walboo ka dahsoon si ay Allah swt ugu caabudaan si cad waayo wax walboo lagu amray laguma oran iska samee sidaa doontana u samee ee waxaa laguu dejiyay qaab iyo hab aad u sameyso maaha ujeedadu waan sameeyay wixii lay faray laakin waa sideen u gutay ma tahay sidan sidii la iga rabay mise adaa iska sameystay oo jeebkaaga iyo cilmi dhagool ka keenay.?

Walaashayey/ Walaalkayow Ha isku hilmaamin Dunida.. .... . Asalaamu calaaykum waraxmatulaahi wabarakatuhu. Bismilaah. Waxa mahada iska leh Allaha uummay khalqiga kiisa wanagsan iyo kisa xun inaguna maneystay ilayska qaaliga ah ee damayn wa islaam kee''ee''.Waxa mahada iska leh ilaaha ino so direy Nabigeni mohammed naxaris iyo nabad gelyo korkisa ha ahatee sayid keenii barbaariyeheenii hogaamiyaheenii macalinkeeni.Waxaay mahad oodhan u sugnatay ilaahi naga dhigey islaam'Alxamdulilaah. *.Walaashayeey&Walaalkayow,miyaadan oogayn inay ''Dunidanii''tahay beerti''Aakhiro''.qofuna goosan doono wuxuu beerta ku abuurtay.Walaashayeey&Walaalkayow maa garan karto goraad dhimaan ee mowdku nafta ka qaadi qof kasta oo ku nool dunidanii waa oog yahay inu ka teegi doono qofna ma ooga waqtiga uu ka teegayo hadaad waaberisataay miyaad oog tahay inaad galaabsan waa mayaa!Hadabaa walaashayeey&Walaalkayow intaad xoogaga iyo cafimad kaaga qaabto camal wanagsan si hormarso''Dhimashadada'' *.Siduu Allah(swt) arsaaqda inoogu qaybiyeey ayuu adoon kiisu jecel yahay diinta fahansiiya qofku hadi u diinta fahmana wuxuu dhadhamiyaa macanka Imaanka wuxuu fahmaa Qiimaha dunida iyo inuu kaa teegi doono waxu ku dadaala camal wanagsan inu faalo iyo raali ahanshaha Rabbigi abuurtey(swt) kasuun ba badbaaday aduun iyo akhiro oo liibanay. *.Walaashayyeey&walaalkayow,naftada la xiisabtan oo camal wanagsan sii hormarso waxaa lagu faray raac waxii laga rebtoneyeey ka foogo ogow walaal qofka muslimka ahii wixii u camal fashay ayuun baa lagu abaal mariyaayee camal ka allah(swt) aqbalaayo inuu yahay kan isaga dartii loo falay hagar la'aan shareecadanaa wafaqsaan. *.Oogow walaal hadu camal kagu aheyn mid niyaad saan ka ah laa ansixi maaye dadka kaar aya mooda salaada oo kaliya in lagu wajibiyeey Salaadu wa wajiib oo wa xadhiga adiga iyo rabbiga idin dhaxeeysa,dad ba iyaago hada salaadi kaso baxay koox meel fadhi daa oo walalahooda xamanaya ama hadal aan khayr ku jirin ku hadlaya iska dheex fadhisanaya markaasu la xamanayaa walaalahiisa la xamanayeey qofka sidaa u dhaqmaya siiduu camal kiisu u hagaagsananaya miyaanu oogayn in Malaa'iig wax qorta garbaha ka saran yihin xadis Mucaad ibn jabal (Allaha ka raalli noqdee) laga soo weriyey aya ahayd waxu Nabiga(csw) waydiyeey camal Jannada geliya,Naartana ka dheereya Nabiga(csw) aya yiri intuu carrabka taabtay,iska celi kan markaasan iri Nebi Allow miyaa na loo qabsanayaa waxaan ku hadalno?markasu yidhi(csw) hooyadaa ha ku weydo Mucaadow ,maxaa dadka naarta ku tuura oo aan ahayn waxyaalaha carrabka lagu galabsaday? *.Dadka kaar iyagoo camal wanaagsan faalanaya ayuu hadana Carab kogu ka adkaaday oo habeen iyo maalin dadka xamanayan xaantuna wa hilib walaal kaga aad cuneyso camal kaguna ku burayo wa qalaabka sharka iyo khayr kaaba lagu fuliin karo, isaga dadka kugu diri kara,haddaad ku hadasho wax xun,, isagaa dadka kuu soo dhaweyn kara hadaad ku dhaqantid wax fiican,marka kaa digtoonow in uu naarta kuu jiido dadka isagaa ku ururiyeey Naarta walciyatu billaah. *.ogow walaal salaada oo kaliya akhiro kuma badbadiso ee camal kaga uun ba ku badbadin kara qofka illahay iyo malinta qiyamaha rumeeysan wa inuu camal wanagsan ku camal faalo kuna toosnaato jidka quman waa inuu fuliya waxa lagu amray waxii laga reebtooneyeey ka fogaado qofkii intaas laga helo ma jiro wax uga dhimaan Islaannimaadisaa Imaan ka waxaa ka horreeysa camal faalka Nabigu (Csw) waxu yiri:Laabo nicmo dadka in badaan way ku khasaaren,Cafimaadka,Firaaqada waxa weriyeey saxixul bukhari. Camalka wanagsan ee laala imanaya waxaa ay tahay. 1-Xiftiin taa Carabka wax khayr qabana lagu hadlo hadalka wanagsani wa sadaqo''ee''. 2- sakda dhaxe eey dadku hurtan oo laa tukado sunahi subanaheena(csw) Caraab kana lagu badiyo digriga iyo baryada allah. 3-Dadka oo dhaqan iyo akhlaaq wanagsan lagula dhaqmo waxi dhibayana lagaa ilaaliyo. 4-Qof islaam ah oo aan la dulminin xaata gaalka ayan lagu ogolayn inaad dulmiso''ee''. 5-naftada waxi dhibaya oo aad ka fogeyso, sida khamrada qaadka sigar ka darogada iwm. 6-Sadaqada oo laa joogteyoo. 7-Dadka dhibateysaan ee ka tabarta yar ood gargarto (Cawiiso). 8-Walid ka oo aad barii u noqodo. 9-Cilmiga barashadisaa oo lagu dadaalo rerkaga iyo caruurtadana lagu tarbiyeeyo. 10-Sharka iyo khayr kiisa oo laguu kalsoonado. 11-Warka oon lagu degdeegin eed iska hubsaado siidu Allaha weyne Qurankisa inoguu sheegey. Waxan saxaay xaga allah(swt) ka ahatay alxamdulilaah,waxan qalday shaytan iyo nafteyda ka ahaday. Waxan illahay(swt) ka baryaya dambigeni iyo tii walidadena inu dhaafo.

Xanta Naartay sabab kuugu noqonkartaa inaad gasho...,..... . .Bismillah, As-salamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh, Walaalayaal, Mahad dhamaanteed waxay usugnaatay allah, naxariis iyo nabadgalyo hagaadho nabigeeni Muxamed salalahu calayhi wasalam, iyo inti raacday jidkiisa ilaa maalinta qimaaha. Walaalayaal maantay waxaan wax kadhahaynaa xanta iyo khatarteeda. Walaalayaal, hadii aan soomaali nahay waxaad moodaa in ay xanti noo noqotay wax allah noo dhawaynaya, hadii aan ogaan lahayn ciqaabta xanta lagu muto afkeenaa ilaashan lahayn, laakiin waxaa noogaynaya in aan dadka xamano, Fulaynimo, Jahli, iyo aakhiro oo aan hilmaanay. Xan maxaa ladhahaa? Xan waxaa ladhahaa in aad ku sheegto ama ka sheegto walaal kaaga muslimka ah wuxuu dhibsanayo. Tusaale: Hebel gaari qanax ah buu wataa; or hebel waa gaaban yahay. Amaba ad ceydo Xantu goormay dhacdaa? Xantu waxay dhacdaa qofka aad xamanayso oo kaa maqan Xanta dhibkeedu intee le egyhay: Xantu waa xaaraan: waxayna ku jirtaa kabaa irta, ayada iyo qofka wax dila isku boos bay ku Jiraan. Hadii aakhiro xanta buugaaga laga helo, khatar baad ku jirtaa. Xantu sidee bay ukala khatar santahay? Hadii qofku xanto qof muslim ah oo walaalkiis ah, waxaa ka khatarsan in qofku xanto culumada iyo dadka diinta dadka baraya. Labadana ciqaab buu ku mudan qofku. Xantu waa adoo cunanaya hilibka walaalkaa kula dhashay oo mayd ah, Waliba adigoo jecel, sidaas oo kale ayey xantu u fool xuntahay, waayo qofka aad xamanayso waa mayd oo kale mar haduusan iska kaa difaaci Karin kulana joogin. Maxaa loo mamnuucaay xanta? Diinta islaamku waxay ka hor tagtaa wax walboo kala goynaya dadka muslimiinta ah, xantuna waa waxyaalaha ugu badan oo dadku ku kala tago. Hadii aad qofka sharaftiisa meel oga dhacdo waa adoo dilay oo kale, waana xaaraan. Iska ilaali in wax xamato. Sidee u dhacdaa xantu? Dadka qaar waa ogyihiin in ay wax xamanayaan, marka si aan loo fahmin waxay sameeyaan, qofka ay rabaan in ay xantaan bay amaanaan, ama tusaale waxay dhahaan, “hebel xantiisa allah ha naga dhaafo, ama hebel khayr allah hasiiyo”, ayagoo raba in ay banaystaan xantiisa. Waxay isku dayayaan in aan la Fahmin in ay dadka cunaan. Dadka qaar shaati diin bay u xiraan: Tusaale, ayagoo dhahaya. Hebel allah ha hanuuniyo, maal mahan wuu daciifay. Waana xan. Dadka maxaa ku kalifa in uu qof kale xanto? 1. Carada, wuxuuna rabaa in uu ciilka iyo carada uu qofka kale u qabo iska faaruqiyo. 2. Xasadka, qofka oo ka xuumaado, nimco iyo wanaag allah qof kale siiyay. 3. Qofka oo rabo in uu is muujiyo, dadka kalana aan wanaagooda la arag, Tusaale, waxay dhahaan dadka noocaan ah” waxaa la raacaa gabar kaa fool xun sida adiga quruxdaada loo arko. 4. Qofka oo is leh saaxiibadaa ku raali gali. Marka saaxiibadiis buu xanta , kalana qayb qaadan 5. Kaftanka badan, tusaale qofka oo qofkale jila 6. Caado: Qofkani waXuu jecel yahay in mar walba wax xaanto, Tel ayuu wax ku xaanta Sidee la iskaga daaweeyaa cudurkan halista ah? Xasuuso markaad qof xamanayso, waxaad shidanaysaa xasaanaadkaagi oo dhan, baahbah baadna kadhigtay. Salaadaadii, iyo soonkaagii, iyo sadaqadaadii waxaad siisay qofka aad xamatay, adigana danbigiisi baa korka lagaa saarayaa. Aakhiro waxaad imanaysaa adigoo aan waxba heysan ah. Markasta oo aad qof xamato isku day in aad lacag sadaqaysato, si aad marka danbe xanta iskaga dayso. Mar kasta oo aad qof xamato isku day in aad soonto,sido kale salada badi waayo qof kale bad sii Siisey, Sido kale ka dheerow dadka wax xaanta, waxaa kalo oo barata tafsiirka suurada Xujaraad, walallaha Musliinkta ahow Xaantu waa dambii aad uu weyn iska ilaali oo ka dharsnow inaad ku dhacdo danbigaas. Waa khatar, Naftadda uu nax, Oo ka ilaali Naar iney ku dhacdo Qofka aad xamatay cafis kadalabo oo ku dheh walall waan ku xamaney aniga hebel ee na caafi. Hadii uu ku yimaddo qof wax xamanaya walall ka carar ama dhagahaga faraha gelii sii aad uga badbado naar,” kor ugu qeyli ku dheh iga jooji xaanta ha arko in adan xaanta jeceleyn”. Go aan adag ku gaar in aadan mar danbe qof xamanaynin, hadii aad xamatidna adaa naar isku bandhigay. Ya rabi naar ban ka nabad galney.

U dan sheego Rabbigaa hana ka caban...... . . Bismilaah... Aduunkaan aynu ku noolnahay wuu maalmo badan yahay, wuuna isbadal badan yahay,intaad ku nooshahay raaxo dhameystiran inaad heshaa way adag tahay hadaad is tiraahdo raadina waad ku daalaysaa naftaadana been baad ka dhaadhicisay. waxaad ogaataa in raaxada aduunku tahay Alle ka cabsiga, toosnaanta, adeecida Allah subxanahu watacalaa iyo Rasuulkiisa salalahu calayhi wassalam,, waa kii lahaa mid ka midd dadkii wan wanaagsanaa ee hore hadeey ogyihiin boqoradu waxaan nicmad ku jirno waxay nagula dagaalami lahaayeen seefahooda! nicmada la sheegayaa wax kale maaheewaa nicmada Alle ka cabsiga iyo toosnaanta.iyo cibaadada. Adigoo Alle weyne swt haysta maxaad cid kale ugu cabanaysaa? soo kuguma filna Rabbigaa oo kumuuoran quraankiisa kariimka قوله تعالى " أليس الله بكاف عبده ويخوفونك بالذين من دونه" Hadii aad Allah subxanahu watacalaa talo saarato dadaalna la timaado waxaad ka baqdaa iyo waxaad ka welweshaa ma jiraan, raaxaduna waa raaxada nafta ee maaha raaxada jidhka kaliya . raaxada naftuna waa qanaacadee ku qanac wixii laguu qoray inuu khayrku kugu jiranarumeyso kana raali noqo.. Qofka muminka ah marna dabeecadiisa ka mid maaha inuu ilaahay ka ashtakoodo ama ka cowdo balse waa inuu u ashtakoodo ama u cawdo, way kala duwan yihin labadan hadal, markaad Allah subxanahu watacala ka cabanayso waxaad is waydiisaa cida kalee wax kuu qaban karta ama xaaladaada wax ka badali karta. haduu xanuun kugu raago ha oran ilaahayoow maxaad sidaan iigu galaysaa ! waxaadse tiraahdaa Alloow adaan ku waydiinsanayaa caafimaad Alloow i caafi Rabbiyoow adigaa cudurka iyo caafimaadkaba keena waxaad keentana cid celin kartaa ma jirto Allow xanuunka caafimaad igu badal Alloow waxad tahay midka markaan xanuunsado i caafiya. Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii waxaad u dhaqaaqdaba socon waayo, hadii , hadii , hadiimarna yaan afkaaga laga maqal ilaahayoow sidani maxay tahay? ilaahayoow ma dhibaato iyo silic baad ii abuurtay! dadka kaleba sidaan mahee aniga maxaad sidaan igu gashay ma i nacday?!! dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan laakin kaga gudbay imtixaankaa sabir iyo baryo, adiguse aad isku haysato kan aduunka kaligii ku silcaya kan kaliyee dhibku haysto kan kaliyee la imtixaamay bal wareyso dadka kale aad ogaatidnicmooyinkafaraha badan eed haysato.. Erayadan aad adeegsatay ayaa kala hufan oo kala haboon midna Allah subxanahu watacaalaa kuuma dhoweynayso oo waxaa laga yabaa inayba ka careysiiso adna waxba kuma aadan helin calaacalkiiiyo ka cabashadii Alle.laakin markaad Allah subxanahu u cabato dantaadanau sheegato salaada markaad ku jirto aad barrido inuu dhibka ku haystoo dhan kaa dul qaado waxaa hubaala in waxaad rabtaynaaad hesho ama ha soo raago ama markiiba aad heshide Allana aad u muujisay ood tustay sidaad ugu kalsoontahay baryadiisa. waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa inaan iska ilaalino inan Allah subxanahu watacalaa ka cabano nafteenana ku tarbiyayno inay ku qanacdo wixii loo qorey inayna seegayn, aan xusuusino nafteena mar walba in wax kastoo nolosheena soo mara naloo qoray inagoo caloosha hooyooyinkeen ku jirna,markaa ha isku daalinhana ka welwelin maxaa beri dhici doona iyo xageen mari doonaa, maxaan cuni doonaa iwm, adigu dadaal la imoow baryadana badi Allena talo saaro hana caajisin dadka waxaa u liita midka ducada ka caajisee

Farxadu ma Music iyo is jajabin baa? . . . Waxaan filayaa in cinwaanka maqaalku cadeyn u yahay mowducuaan jeclahay inan wax yar isaga sheegno.,Yaa diiday in arooska la farxo la ciyaaro, dhar qurux badan la xidho, jawaabtu waa cidna arooska qofka muslimka ah wuxuu leeyahay wax looga sooco aroosyada kale. waa musiibo weyn walaahi in la kala saari waayo dadkii muslimiinta ahaa yo dadkaan muslimiinta ahayn, waa musiibo inan wax walba soo xanbaarsano inagoo kala eegin maxay diintu ka qabtaa arintaan, Allah subxanahu watacalaa iyo Rasuulkiisa salalahu calayhi wasalam ma iigu caroonayaan waxaan sameynayo habeenka arooskayga mise raali bay ka yhiin? Yaan uga deydaa qaabkaan u sameysanayo arooskayga ma dadkaan raali geliyaa mise Allihii i abuurtay aduunkana ii keenay inaan isaga caabudo? walal waxaad ogaataa in carrada dadku waxba kaa dhimeyn mar hadaad raali gelinayso Allah subxanahu watacala, iyo Rasuulkiisa salalahu calayhi wasalam. Qofka muslimka ah waxaa laga doonayaa inuusan noqon dameer dhaan raacday waxaa kaloo laga doonayaa inuusan u noolaan dadka, inuu ka cabsoodana maaha dadku maxay i oran doonaan hadaan arooskayga sideey dadku u dhigtaan aanan u dhigan, waxaaba caadi iyo halhaysba noqday Bismilaah meesha ma tacsi baa la fadhiyaa soo aroos maaha.?haa waa aroos laakiin macnaha farxadu maaha niiko iyo music iyo is jajabin farxadu waa inaad Allah raali geliso wixii uu kuu jideeyayna dariiq iyo hab nololeedkaaga ku salayso... Dadkeena intiisa badan in Allah u naxariistay mooyee waxay u fahmeen farxada arooska Alllah oo la caasiyo hadeysan afka ka dhihina ficilkoodaa ka marqaati kacaya waayo marka farxadii arooska laga dhigo music iyo heeso hadii labadaa la waayana loo arko meesha inaysan aroosba u ekayn soomaaha wax la yaab leh. inagoo og in heesaha iyo musigu xaaram yihin hadana aan oranayno waa aroose maxaa ka micno ah iyo dadkeeygaan wax la qabaa, waa caadi waa hal habeene waana farxade,walalkayga aroosanaya iyo walaasheyda aroosanaysa waxaan leeyahay walal iska jir inaad dad dartii Allihii ku keenay koonka u caasido, walal iska jir inaad Allah ka xishoon waydo dadkana ka xishooto, walal iska jir inaad macsiyo Alle ku raali geliso bini 'aadam ,iska jir walal aadna isaga jir inaad gurigaaga macsi iyo carada Allah ku bilowdo, siduu u barakoowi guri macsi Allah iyo caradiisa lagu dhisay laguna aas aasay waa waxaan suurtagalayn.. Walalayaal aan iska deyno dhaqankeenaa saan ahaan jirey iyo dadkoo dhanba way sameeyaane ma kaligeeybaa sameeya, dhaqanku haduusan diinta waafaqsanayn maaha dhaqan wanaagsan in lagu dhegnaado lagu faano ma mudna, waa jirtaa dhaqankeena wax badan oo fiican wuxuuse u badan yahay mid Diinta ka soo horjeeda halaagna noo horseedi kara hadaan sidi diinta u weyneyno.. Walalayaal Diinteenu ma ogola ragg iyo dumar is dhex booda islana ciyaara, walal haka ogolaan cidna inay kugu qasabto wax danbi iyo macsi ah, waxaan saa u leeyahay waxaa jira dad badan oo la qasbo iyagoon raali ka ahayna wixii la doono lagu dul sameeyo isagana lagu yiraahdo ma hadli kartid inagaa howsha wadna halkaaga fadhi aroos baa tahee, cajiib! hadaan aroosad ama caruus ahay miyaan iska yeelaa wax walba? malaha carabkii aan wax ku diidi lahaa ama ku hadli lahaa maalintaas ma lihi? waxaan ku soo koobayaa si gurigaaga iyo mustaqbalkaagu u noqdaan mid farxad iyo nolol raaxo iyo daacada Allah ku dhisan marka hore ku bilow Farxad iyo damaashaad bilaa macsi ah…..

Akhlaaqdii Salafka Bismilaah.. Ummad walba waxay ku gaartaa barwaaqo wanaag iyo horumar markeey raacdo dariiqii ay u jeexeen dadkii ka horeeyay(salafu saalix)mar walboo uu kala dheeraado waqtiga u dhexeeya salafkeenii iyo innaga waxaa hoos u dhaca ku dayashadii aan ku dayan lahayn dadkii wan wanaagsanaa ee inaga horeeyay, waxaa kaloo hoos u dhac ku yimaadaa raacista wadadoodii, ku dayashada akhlaaqdoodii, Waxaan qoraalkan yar iskugu sheegi doonaa qaar ka mida akhlaaqdii salafka, waa intaasoo aan ku dayanaa jidkoodiina marnaa.. Waxaa ka mid ahaa Akhlaaqdii salafka, ikhlaas cilmigooda iyo camalkoodaba iyo ka cabsashadoodii inuu mar uun camalkooda ka soo dhex galo is tus iyagoo raacaya Hadalka Allah subxanahu watacalaa وما أمروا إلا ليعبدوا الله مخلصين له الدين حنفاء Waxaa ka mid ahaa akhlaaqdii salafka waxay ahaayeen kuwa is waydiiya xaalkooda si ay u baraarujiyaan midka moogan nicmada Rabbi subxanahu watacala. waxaa lagu yiri Abuu bakar assidiiq sideed ku waabariisatay? wuxuu ku jawaabay waxaan ku waabariistay anoo ah adoon u duleysan Allihiisa weyn waxaan ku waabariistay anoo amarkiisa qaadanaya, waxaa sidoo kale su,aashaan la waydiiyay Imaam shaafici wuxuuna ku jawaabay waxaan ku waabariistay anoo ah mid cunaya riziqa Rabbigeey kana soo bixin mahadii uu iga mudnaa, Maalik bin diinaar ayaa isna la waydiiyay wuxuuna ku jawaabay waxaan ku waabariistay cumri sii yaraanaya iyo dunuub kordhaysa waa cabsida iyo iska ilaalinta Rabbigood meeshii u sareysay ay gaareen. Waxay ahaayeen salafkii kuwo isku arka inay mar walba ka gaabiyeen meeshii laga rabay inay gaaraan . iyagoo aan ognahay fadligoodii iyo sideey ugu dhaganaayeen ku dhaqanka diintooda hadana waxaa ku jiray cabsi ah horta camalkaagii mala aqbalay mise? ma ahayn kuwa is dhigta hadana rajeeya jano iyo danbi dhaaf, Xasan al basri ayaa maalin arkay nin tukanaya hadana ku ciyaaraya garkiisa markaasuu maqlay ninkii oo sujuuda kuleh Ilaahayoow ii guuri janada dhexdeeda xuural caynta, markaa ayuu ku yiri xasan albasri midkanoow ma arag mid doonaya xuurala cayn oo kaa xishood yar! Ma xuural cayn baad Allah ka doonaysaa adoo ciyaaraya ! Waxay ahaayeen salafkii kuwo ku sabra qadarka Alle iyo musiibooyinka ha ahaato dhimasho iyo dhib kalaba, marka dhib soo gaaro qaar ka mida.waxay isku oran jireen iskuna dardaarmi jireen hadaladaan (Waa musiibo ku dhacaysa adoonka si uu u ogaado inay xag Rabbi ka timid kuna raali noqdo qadarkiisa ilaahayna u hogaansamo) Maymuun bin mahraan wuxuu yiri ( ilaahay ha u naxariisto qofkaan ku raali noqon qadarka,doqonimaduna dawo maleh) qofkaan qadarka Allah ku raali noqon kaas ayaa doqon lagu tilmaamay. Waxay ahaayeen salafkii kuwo isku naseexeeya xitaa haday kala fog yihin isku qora warqado. waxay ahaayeen kuwo naseexada kala qaata ma ahayn sida hada dhacda qofkaa u naseexayso uuba moodo inaad ceebeynayso isna raadiyo ceebahaaga isagoo isku arka in wax loo sheego inuuba ka weyn yahay camalo wanaagsan oo badan uu leeyahay darteed, qofka camalkiisu cajabiyo iskuna arka camaladiisa wanaagsan ee hadana badan dartii inuu dhan walba ka wanaagsan yahay waa loo yaabaa ee dib ha isugu noqdo... Waxay ahaayeen salafkii kuwo tawaaduc badan aan iska weyneysiin cidna Abuu Muslim alkhowlani wuxuu yiri isma weynaysiiyo mid liita mahee, mana faano mid hooseeya mahee, mana u tacasubo baadilka mid xaqiran mahee, waxay orana jireen qaar ka mida salafkii ''Tawaaduc kan ugu fiican waa adigoon isku arag inaad cidna ka fadli badan tahay''Abuu hureyra Allah ka raali noqdee isagoo amiir u ah magaalada Madiina waagi Marwan xukunka haystay wuxuu xaabada ku qaadi jiray madaxiisa isagoo suuqa la dhex socda ayuu oran jirey u baneeya amiirkiina! waa Tawaduc heerkii u sareeyay, Waxay ahaayeen salafkii kuwo aan dhayalsan camal walboo la dhaho fadli iyo ajar buu leeyahay Rasuulkuna sallalahu calayhi waslam wuu faray ummadiisa la iskuna booriyay sameyntiisa ha badnaato ama yaraadee. way ku dadaali jireen kamana gaabin jirin dhaqan gelintiisa iyagoo ikhlaas iyo Alle ka cabsi u sameynaya, Xasan al basri wuxuu ahaa mid badiya sameeynta daacaadka wuxuuna oran jiray lagama rabo dadka nala midka ah sunooyin ee sunooyinka waxaa laga rabaa dadka dhamaystiray waajibaadkoodii, micnaha wuxuu yareysanayaa camalkiisa wuxuuna isku arkaa inuu wali gaabis yahay, anagana hadaan wax yar oo daacaad ah qabano waxanba isku aragnaa in cid naga sareysaa ayna jirin Allah noo naxariisto kuwii ku dayda salafkoodiina ha inaga yeelo.... aamin