inta akhrisatay
Monday, December 16, 2013
Muhiimada Barashada Cilmiga < < < < Illahay ayey mahad iyo amaani u sugnaatay kana nasahan xumaan idilkeed! Walaalayaal salaan aad u qaaliya ka dib waxaan idin soo gudbinayaa waxyaabo aynu ka garan karno faa,iidooyinka ama muhiiimada barashada cilmiga. Ugu horayntii waxaa lagama maarmaan ah inaynu ogaaano muhiimadda barashada cilmiga inoo leedahay iyo mida kale inay tahay waajib muqadas ku ah qof kasta oo muslim ah rag iyo dumarba. Arrintan oo aad loogu soo cadeeyey axaadiis fara badan oo laga soo weriyey nebigeenna Muxammed (S.C.W.). Taasi waxaad ka arki kartaa in ilaahey (S.W.) uu faray nabigeenna inuu ku ducaysto Rabbigayow ii siyaadi cilmi. Waxaan meeshaa ka arki karnaa in cilmigu yahay nuur ilaaheyna ma siiyo qof kasta ee qof uu raali ka yahay mooye. Dhinaca kale fadliga cilmiga waxaa daliil cad u ah marka aad bixiso oo aad fidiso wuu siyaadaa, hase yeeshee maalku wuu nusqaamaa markaad bixiso.Tusaale ahaan haddaad boqol dollar aad labaatan dollar danahaaga adduunyo ku bixisato waa ay nusqaantaa; halka haddaad Cilmiga barato oo gudbiso aad xafideyso Mas,alooyin kalena kuusii baxayaan.Haddaba, halkaasi waxa innooga cad inaan la koobi karin fadliga Cilmiga, sidaasi darteed ayaa qof kastoo Muslim ah waxa waajib ku ah afar xaaladod oo kala ah 1- Inuu wax barto oo diinta barashadeeda u qasdo, 2-Inuu ku camal falo waxa u bartey, 3- In wixii uu bartey uu dadka kale gaarsiiyo, 4- Inuu sabro qofka wax baranaya iyo macalinka dadka wax barayaaba. Waxa laga yaabaa in Qofka wax baranaya iyo kan dadka wax barayaaba ay ka hor yimaadaan dhibaatooyin kala duwan, gaar ahaan sabankan hadda lagu jiro, waayo Nabigeenna Muxammed (s.c.w) wuxuu yiri: << Waqtiga Aakhrio sabanka waxa uu la mid yahay qofka diintiisa haystaa qof dhuxul dab ah haysta oo kale>>. Taasina waxay ina faraysaa sabir badan. Anas Bin Maalik oo ahaa khaadimkii Nabiga (s.c.w) ayaa waxa uu yiri: � Ninka Caalimka ah ee fiican qasadka uu wax u baranayo waa Ilaalin; oo ah in uu waxa uu bartey ku ilaaliyo naftiisa iyo dadka kaleba,; kuwa aan caqliga lahayn qasadka uu wax u baranayo waa Riwaayo - oo ah iney ku doodaan-, waxna ku cunaan, iskana uun ogaadaan uun, balse uma baranayaan Ilaahay dartii. Cilmigu waa Iftiinka Nolosha, aayado iyo axaadiis badan ayaana ka hadlay qiimihiisa iyo waxtarka uu u leeyahay qofka iyo bulshadaba, Sidaasi awgeed ayaa qofka Cilmiga bartey aad uga qiimo badan yahay qofka aan waxba baran. Allaah (s.w) waxa uu aayad Quraan ah ku yiri Nabi Muxamedow ku dheh: (( Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin, waxa ku waansama uun kuwa garaadka u saaxiibka ah)).Zumar/9 Waxa kale oo laga soo wariyey nabiga (s.c.w)inuu yiri: Ruuxii doorta ama aada dariiq uu cilmi ku raadinayo, Ilaahay waxa uu u sahlaa dariiqa Jannada>>. Arrimahaasi waxay ina tusayaan Muhimadda Cilmigu inoo leeyahay, yahayna ka kaliya ee aan ku garan karno faa,iidadiisa. Wabilaahi Tawfiiq
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment