inta akhrisatay
Sunday, December 15, 2013
Wax Badan Ka Ogoow Rassuulka SCW Iyo Jaceylkii Uu U Qabay Umadiisa Oo Idil } } { JACEYLKA UU RASUULKA CSW, U QABAY UMMADIISA. Rasuulkeena CSW, Nafsadiisa waxaa ugala qiimo badneyd Ummadiisa, mar war walba wuxuu ahaa kii u dooda Ummadiisa, Jaceylka uu u qabo Ummadiisa ma aheyn mid la soo Koobi karo, sida aan ka arki doono, Geeridiisa markey soo Xaadirtay isaga iyo Malakul Jabriil wixii Dhex maraay, sidan ayeyna wax u Dhaceen:- Rasuulka CSW, Geeridiisii ayaa Markuu u yimid Malakul Mowt, ayaa wuxuu ku yiri:- Malakul-Mowdow Xaggee uga soo tagtay Malakul-Jibriil. Malakul-mowt wuxuu yiri:-waxaan uga soo Tagay Samada Adduunyada. isla markiiba waxaa yimid Malakul-Jibriil, wuxuuna Fariistay Nebiga CSW, Madaxiisa, wuxuuna Rasuulku yiri:- Miyaadan Ogeen in Amarkii Dhawaaday? Wuxuu yiri:- waan Ogahay Rasuulkii Illaahayow. Rasuulku wuxuu yiri:- iigu Bishaarey Illaahay Agtiisa waxa ii yaala oo Wanaag ah. Jibriil wuxuu yiri:- Albaabada Samada waa la wada Furay, Malaa’igtii Illaahayna Saf ayey galeen iyagoo Sugaaya Ruuxdaada, Albaabadii Jannadana waa la wada Furay. Rasuulkena CSW, wuxuu yiri:- iigu Bishaaree sida ay ahaan Doontaa Ummadaydu Maalinta Qiyaamaha?. Jibriil wuxuu yiri:- waxaan kuugu Bishaaraynaa Illaahay inuu yiri: Jannada waan ka Xarimay (u diiday) Ambiyada illaa Nabi Muxammad CSW galo, sidoo kale jannada waan ka Xarimay Ummadaha Illaahay oo dhan ilaa ay Ummadda Nabi Muxammad CSW, ay ka galaan. Rasuulkuna wuxuu yiri:- Hadda ayuu Wanaagsanaaday Qalbigaygu, igana Suushay Murugtii. Wabillaahi Towfiiq. (ILAAHOOW NAGA YEEL KUWII RASUULKA U SHAFEECA)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment