inta akhrisatay

Tuesday, December 10, 2013

Waan iska aqaan!!! ... .. Bismilaah Salaada waa iska ridnaa xiligeeda Alxamdulilaah, Ramadan bisha qac baan ka siinaa, xajka cidii ilaahay wax siiyo waa soo gudataa. laakin su,aashu waxay tahay ma baranaa cibaadooyinkaan aan la nimid axkaamtooda? ma baranaa waxyalaaha burin kara? habkee ugu wanaagsan een u gudan karnaa? mise xaaladu waa hadaan la imaado waaba fardo kula carar maxaa la iga rabaa?sheekh hebelna waan waydiin waxaan garan waayo inta kalena waan iska maqmaqlay marar badan. Waan iska aqaan! Maxaa ka wanaagsan inaad taqaan ood barato waxa kugu waajibka ah..waxa kaa xaaraamta ah, Maxaa ka wanaagsan inaad barato Axkaamta dumarka u gaarka ah., waa hadaa dumar tahee,waa laga wanaagsan yahay inaad nin waydiiso mar walba arimo u gaar ah dumarka sida Xaydka iwm. maxaa ku diiday walashayeey inaad barato diintaada inteeda muhiimka ah, laguma laha noqo caalimad fatawooyinka bixisa lagumana laha wax walba ku takhasus laguma laha baro axkaamta sharciga ah dhamaanteed laakiin miyeysan ceeb kugu ahayn inaad waligaa sugto sheekh hebel intuu ka imaanayo Mu'tamarada la qabto sanadkii mar si aad u waydiiso su,aalo su'aalahaasoo laga yaabo inay la xirriiraan nolol maalmeedkaaga sida Salaadada ,Soonkaag, dahaaradaada, noloshaada gaarka ah iyo qaybo kaloo badan. maxaa diidaya inaad adigu cilmiga barato intiisa muhiimka ah hadeey kula soo gudboonaato arin ku saabsan nolol maalmeedkagana aad garanayso jawaabteeda iyo wixii kaaga haboon,. cilmiga diiniga waa ku waajib cid walba inay barato waliba wuu sii kala horeeyaa cilmiyada kale ee aduunkaba waad barataa waxaaba dhici karta inaad Master iyo wax ka sareeya ka gaarto diintaadiina aadan ka aqqoon cilmi dhagood iyo in yaroo aad sheekh muxaadareynaya ka maqashay. miyeysan taas ahayn wax laga xumaado walashayeey ? miyeysan ahayn ka gaabin aad ka gaabisay cilmi la barto kii u muhiimsanaa uguna qiimaha badnaa. miyeysan ahayn wax la isku canaanto inaan diinteenii baran la'nahay iyadoo waqtiga aan joogno cid walba u sahlantahay siduu waxu u baran lahaa. waxaa ku haboon gabar walba inay barato axkaamta u gaarka dumarka. waa aqoon ku anfacaysa noloshaada guud ahaan kuu saxaysa cibaadaada. akhlaaqdaada dhaqankaaga,iyo guud ahaan nolosha qofka bini aadamka ah dhan walbaba waa cilmi uuna ku khasaareyn qofkii bartaa . Dumarkii Saxaabada iyo kuwii ka danbeeyayba waxay ahaayeen kuwo ku dadaala sideey u baran lahaayeen diintooda gaar ahaan waxyaalaha u gaarka dumarka. kama xishoon jirin inay waydiiyaan Rasuulkii Alle salalahu calayhi wasalam wax walboo ka dahsoon si ay Allah swt ugu caabudaan si cad waayo wax walboo lagu amray laguma oran iska samee sidaa doontana u samee ee waxaa laguu dejiyay qaab iyo hab aad u sameyso maaha ujeedadu waan sameeyay wixii lay faray laakin waa sideen u gutay ma tahay sidan sidii la iga rabay mise adaa iska sameystay oo jeebkaaga iyo cilmi dhagool ka keenay.?

No comments:

Post a Comment