inta akhrisatay
Tuesday, December 10, 2013
Ma ogtahay inay tahay qunbulad qarxi karta markay doonto.!!! . . . Bismilaah.. Diinteena islaamku wax walbooy inaga reebto waxaa ku jira maslaxadeena aduun iyo aakhiro aynu ogaano ama yaynaan ogaan maslaxdaa. mar walbuu qofku fududeysto wixii Allah iyo Rasuulkiisa scw ka reebeen waxaa ku dhaca wuxuusan jeclaysan ama uu ka shalaayo marka danbe. xadiisyada iyo aayadaha looguma talagelin xili gaara iyo dad gaara waxaase loogu talagalay xili walba iyo dadkoo dhan, marna haku fakarin intaad wixii lagaa xarimay dhex dabaalato inaad liibaan iyo khayr hesho way dhici kartaa inaad tiraahdo imisa qof oo caasi ah ayaa ku nool nolol wanaagsan waliba tayda ka wanaagsan? waxaad ilowsan tahay markaa sidaa u fakarto inaad eegtay waxa muuqda kaliya waxaa kuu muuqda qof caasi ah oo maal leh, caafimaad ilaahay siiyay, haduu doono kaa caruur badan , shaqo fiican haysta qofkaa isaga ah xaaladiisa gudaha ma ogid adigu. wuxuu hoosta ka leeyahay Alla maxaan ahay mid hoogay macaanka nolosha wali ma gelin walina ma dhadhamin waxaa taa cadeynaya dadka aduunka ugu hodansan ama ugu nolol fiican waa kuwa markeey nolosha macaankeeda dhadhamin waayeen isdila ama u leexda xagaa iyo macaasida iyagoo isleh is ilowsiiya dhibka iyo kadeedka idinka haysta noloshaan. taa cagsigeeda waxaa ah qofka Allah swt adeeca wixii uu farayna intuu ka awoodo la yimaada macaasidana ka fogaada isagoo og in Allah arkayo mar walba iyo meel walba iskana qarin karin aragga Allah swt. intaa ka dib mowduucaan rabo inan wax yar iskaga sheegno waxa weeye Maxaad ka ogtahay Khalwada iyo khatarteeda? Khalwah macnaheedu waa isla kali noqosho nin iyo naag aan is geyin meel aan cidna ka arkayn yacni kaligoood joogaan,Ma ogthay inay tahay qunbulo markeey doonto qarxi karta? ma ogtahay inay tahay horudhaca zinada iyo xumaanoo idil ? hadaan soomaali nahay waa arin aan aad u yareysano badankeenuna kuma baraarugsanin khatarteeda. waxaaba laga yabaa inaa maqasho dad leh mala isku soo boodayaa! mala is cunayaa! hadii wiil iyo gabar ama nin iyo naag kaligood noqdaan sheekadii carabtaa noo wadaan, anaga soomaali hadaa nahay waxaas ma naqaan carabtaa sidii loo kala qarinayay markey is arkaan isku soo booda , hadaladaas iyo qaar kaloo badan waa hadalo caado u noqday in badan oo dadkeena ka mida qof Allah u naxariistay maahee ogna in wixii la inaga reebay marna uuna ka imaanayn wanaag inaan sahlanana ayna haboonayn, Haa waa la isku soo boodayaa oo xaaraam iyo Zino iyo faaxisho qarka loo saaran yahay hadaan la iska ilaalin khalwada iyo nin iyo naag aan is geyin oo kaligood meel cidlo ah isla jooga, guri ha noqoto ama meel kalabee. ka waran dhurwaa ari meel cidlo ah ku helay ama looga tagay maxaa laga sugayaa? ? jawabta akhristahaan u daayay . waxaan ku soo gabagabaynayaa qoraalkayga yar ha fududedysan walal khalwada Rasuulka Sallalahu calayhi wasalam wuxuu xadiisyo badan nooga digay khalwada iyo khatarteeda iyo inay tahay dariiqii sheydaanka idinku sadaxeyn lahaa isagoo isku kiin qurxinaya ilaa aad macaasidi ku dhacdaan. waxaa wanaagsan inan is barno oraahda ah walal guriga kaligeey baa jooga waan ka xumahay kuma soo gelin karo gabar iyo wiil kuu noqdaba qofka kalena uusan ka caroon isagoo orana way i soo eriday heblaayo ama hebel baa i soo eryay, ama maan cunayaa maxaan ku sameynayaa iwm, kuwa wada sheekaysanaya iyaguna ha iska jiraan khalwada iyo inay meel cidlo ah inteey isla tagaan dhahaan waa sheekeysanaynay ma dadka dhexdoodaan ku sheekaysanaa cidna kuma oran dadka dhexdooda ku sheekayso laakiin iska ilaali meel cidlo ah inaad keligiin ku noqotaan, Rasuulkii Allah sallalahu calayhi wasalam been ma sheegin markuu lahaa لا يخلون رجل بامرأة إلا مع ذي محرم ee qofkan muranka wadaa haboon in runta loo sheego ama ha xanaaqo ama haku raali noqdo..
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment