inta akhrisatay
Tuesday, December 10, 2013
Akhlaaqdii Salafka Bismilaah.. Ummad walba waxay ku gaartaa barwaaqo wanaag iyo horumar markeey raacdo dariiqii ay u jeexeen dadkii ka horeeyay(salafu saalix)mar walboo uu kala dheeraado waqtiga u dhexeeya salafkeenii iyo innaga waxaa hoos u dhaca ku dayashadii aan ku dayan lahayn dadkii wan wanaagsanaa ee inaga horeeyay, waxaa kaloo hoos u dhac ku yimaadaa raacista wadadoodii, ku dayashada akhlaaqdoodii, Waxaan qoraalkan yar iskugu sheegi doonaa qaar ka mida akhlaaqdii salafka, waa intaasoo aan ku dayanaa jidkoodiina marnaa.. Waxaa ka mid ahaa Akhlaaqdii salafka, ikhlaas cilmigooda iyo camalkoodaba iyo ka cabsashadoodii inuu mar uun camalkooda ka soo dhex galo is tus iyagoo raacaya Hadalka Allah subxanahu watacalaa وما أمروا إلا ليعبدوا الله مخلصين له الدين حنفاء Waxaa ka mid ahaa akhlaaqdii salafka waxay ahaayeen kuwa is waydiiya xaalkooda si ay u baraarujiyaan midka moogan nicmada Rabbi subxanahu watacala. waxaa lagu yiri Abuu bakar assidiiq sideed ku waabariisatay? wuxuu ku jawaabay waxaan ku waabariistay anoo ah adoon u duleysan Allihiisa weyn waxaan ku waabariistay anoo amarkiisa qaadanaya, waxaa sidoo kale su,aashaan la waydiiyay Imaam shaafici wuxuuna ku jawaabay waxaan ku waabariistay anoo ah mid cunaya riziqa Rabbigeey kana soo bixin mahadii uu iga mudnaa, Maalik bin diinaar ayaa isna la waydiiyay wuxuuna ku jawaabay waxaan ku waabariistay cumri sii yaraanaya iyo dunuub kordhaysa waa cabsida iyo iska ilaalinta Rabbigood meeshii u sareysay ay gaareen. Waxay ahaayeen salafkii kuwo isku arka inay mar walba ka gaabiyeen meeshii laga rabay inay gaaraan . iyagoo aan ognahay fadligoodii iyo sideey ugu dhaganaayeen ku dhaqanka diintooda hadana waxaa ku jiray cabsi ah horta camalkaagii mala aqbalay mise? ma ahayn kuwa is dhigta hadana rajeeya jano iyo danbi dhaaf, Xasan al basri ayaa maalin arkay nin tukanaya hadana ku ciyaaraya garkiisa markaasuu maqlay ninkii oo sujuuda kuleh Ilaahayoow ii guuri janada dhexdeeda xuural caynta, markaa ayuu ku yiri xasan albasri midkanoow ma arag mid doonaya xuurala cayn oo kaa xishood yar! Ma xuural cayn baad Allah ka doonaysaa adoo ciyaaraya ! Waxay ahaayeen salafkii kuwo ku sabra qadarka Alle iyo musiibooyinka ha ahaato dhimasho iyo dhib kalaba, marka dhib soo gaaro qaar ka mida.waxay isku oran jireen iskuna dardaarmi jireen hadaladaan (Waa musiibo ku dhacaysa adoonka si uu u ogaado inay xag Rabbi ka timid kuna raali noqdo qadarkiisa ilaahayna u hogaansamo) Maymuun bin mahraan wuxuu yiri ( ilaahay ha u naxariisto qofkaan ku raali noqon qadarka,doqonimaduna dawo maleh) qofkaan qadarka Allah ku raali noqon kaas ayaa doqon lagu tilmaamay. Waxay ahaayeen salafkii kuwo isku naseexeeya xitaa haday kala fog yihin isku qora warqado. waxay ahaayeen kuwo naseexada kala qaata ma ahayn sida hada dhacda qofkaa u naseexayso uuba moodo inaad ceebeynayso isna raadiyo ceebahaaga isagoo isku arka in wax loo sheego inuuba ka weyn yahay camalo wanaagsan oo badan uu leeyahay darteed, qofka camalkiisu cajabiyo iskuna arka camaladiisa wanaagsan ee hadana badan dartii inuu dhan walba ka wanaagsan yahay waa loo yaabaa ee dib ha isugu noqdo... Waxay ahaayeen salafkii kuwo tawaaduc badan aan iska weyneysiin cidna Abuu Muslim alkhowlani wuxuu yiri isma weynaysiiyo mid liita mahee, mana faano mid hooseeya mahee, mana u tacasubo baadilka mid xaqiran mahee, waxay orana jireen qaar ka mida salafkii ''Tawaaduc kan ugu fiican waa adigoon isku arag inaad cidna ka fadli badan tahay''Abuu hureyra Allah ka raali noqdee isagoo amiir u ah magaalada Madiina waagi Marwan xukunka haystay wuxuu xaabada ku qaadi jiray madaxiisa isagoo suuqa la dhex socda ayuu oran jirey u baneeya amiirkiina! waa Tawaduc heerkii u sareeyay, Waxay ahaayeen salafkii kuwo aan dhayalsan camal walboo la dhaho fadli iyo ajar buu leeyahay Rasuulkuna sallalahu calayhi waslam wuu faray ummadiisa la iskuna booriyay sameyntiisa ha badnaato ama yaraadee. way ku dadaali jireen kamana gaabin jirin dhaqan gelintiisa iyagoo ikhlaas iyo Alle ka cabsi u sameynaya, Xasan al basri wuxuu ahaa mid badiya sameeynta daacaadka wuxuuna oran jiray lagama rabo dadka nala midka ah sunooyin ee sunooyinka waxaa laga rabaa dadka dhamaystiray waajibaadkoodii, micnaha wuxuu yareysanayaa camalkiisa wuxuuna isku arkaa inuu wali gaabis yahay, anagana hadaan wax yar oo daacaad ah qabano waxanba isku aragnaa in cid naga sareysaa ayna jirin Allah noo naxariisto kuwii ku dayda salafkoodiina ha inaga yeelo.... aamin
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment