inta akhrisatay

Saturday, December 14, 2013

Abuu Xumayd Cabdur Raxmaan Ibn Sacdis-Saacidi(A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigaa (S.C.W.) wuxuu u xilsaaray nin reer Azdi ah oo la yiraahdo Ibn Lutbiya inuu soo ururiyo sako. Markii uu ku soo laabtay (Madiina) ibn Lutbiya buu yiri: Intaan tirada badan adaa leh, waa waxa aan soo ururiyey sako ahaan, intaan oo dhanna hadiyad ahaan anaa la i soo siiyey. Sidaa markuu yiri buu Nebigu (S.C.W.) inta kacay oo minbarka fuulay buu jeediyey khudbo. Wuxuu marka hore ammaanay oo hufay Alle dabadeetana yiri intaas kaddib: Waxaan wakiishay midkiin si uu howl iigu soo qabto ah xilkii Alle i dhiibey. Markii uu howsha soo bogo buu ninkaa soo laabanayaa isagoo leh: intaa waa xoolihiinnii, intaanna anaa la i soo siiyey hadiyad ahaan. Haddii uu run sheegayo muxuu guriga hooyadi ama Aabbihi u fariisan waayey illaa uu qof ugu yimaado, oo hadiyado u keena! Alle baan ku dhaaran qofkii wax aan xaqiisii ahayn qaata, wuxuu maalinta qiyaame Alle la kulmayaa isagoo dhabarka ku sida wixii uu ku qaatay xaqdarrada. ee yaanan arag qof idin ka mid ah oo Alle la kulmay isagoo xambaarsan hal guuxaysa ama lo'qeelyeysa ama ri ciyeysa (macnaha isagoo ku laran xoolihii iyo hantidii uu xaqdarrada ku qaatay). Dabadeedna isagoo gacmahiisa kor u qaadaya ilaa caddaanta kilkilooyinkiisu muuqdeen, buu wuxuu yiri: "Alloow ma gaarsiiyey wixii aad i fartay" oo seddex jeer ku celceliyey. (Bukhaari iyo Muslim)

No comments:

Post a Comment