inta akhrisatay
Tuesday, December 10, 2013
Xanta Naartay sabab kuugu noqonkartaa inaad gasho...,..... . .Bismillah, As-salamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh, Walaalayaal, Mahad dhamaanteed waxay usugnaatay allah, naxariis iyo nabadgalyo hagaadho nabigeeni Muxamed salalahu calayhi wasalam, iyo inti raacday jidkiisa ilaa maalinta qimaaha. Walaalayaal maantay waxaan wax kadhahaynaa xanta iyo khatarteeda. Walaalayaal, hadii aan soomaali nahay waxaad moodaa in ay xanti noo noqotay wax allah noo dhawaynaya, hadii aan ogaan lahayn ciqaabta xanta lagu muto afkeenaa ilaashan lahayn, laakiin waxaa noogaynaya in aan dadka xamano, Fulaynimo, Jahli, iyo aakhiro oo aan hilmaanay. Xan maxaa ladhahaa? Xan waxaa ladhahaa in aad ku sheegto ama ka sheegto walaal kaaga muslimka ah wuxuu dhibsanayo. Tusaale: Hebel gaari qanax ah buu wataa; or hebel waa gaaban yahay. Amaba ad ceydo Xantu goormay dhacdaa? Xantu waxay dhacdaa qofka aad xamanayso oo kaa maqan Xanta dhibkeedu intee le egyhay: Xantu waa xaaraan: waxayna ku jirtaa kabaa irta, ayada iyo qofka wax dila isku boos bay ku Jiraan. Hadii aakhiro xanta buugaaga laga helo, khatar baad ku jirtaa. Xantu sidee bay ukala khatar santahay? Hadii qofku xanto qof muslim ah oo walaalkiis ah, waxaa ka khatarsan in qofku xanto culumada iyo dadka diinta dadka baraya. Labadana ciqaab buu ku mudan qofku. Xantu waa adoo cunanaya hilibka walaalkaa kula dhashay oo mayd ah, Waliba adigoo jecel, sidaas oo kale ayey xantu u fool xuntahay, waayo qofka aad xamanayso waa mayd oo kale mar haduusan iska kaa difaaci Karin kulana joogin. Maxaa loo mamnuucaay xanta? Diinta islaamku waxay ka hor tagtaa wax walboo kala goynaya dadka muslimiinta ah, xantuna waa waxyaalaha ugu badan oo dadku ku kala tago. Hadii aad qofka sharaftiisa meel oga dhacdo waa adoo dilay oo kale, waana xaaraan. Iska ilaali in wax xamato. Sidee u dhacdaa xantu? Dadka qaar waa ogyihiin in ay wax xamanayaan, marka si aan loo fahmin waxay sameeyaan, qofka ay rabaan in ay xantaan bay amaanaan, ama tusaale waxay dhahaan, “hebel xantiisa allah ha naga dhaafo, ama hebel khayr allah hasiiyo”, ayagoo raba in ay banaystaan xantiisa. Waxay isku dayayaan in aan la Fahmin in ay dadka cunaan. Dadka qaar shaati diin bay u xiraan: Tusaale, ayagoo dhahaya. Hebel allah ha hanuuniyo, maal mahan wuu daciifay. Waana xan. Dadka maxaa ku kalifa in uu qof kale xanto? 1. Carada, wuxuuna rabaa in uu ciilka iyo carada uu qofka kale u qabo iska faaruqiyo. 2. Xasadka, qofka oo ka xuumaado, nimco iyo wanaag allah qof kale siiyay. 3. Qofka oo rabo in uu is muujiyo, dadka kalana aan wanaagooda la arag, Tusaale, waxay dhahaan dadka noocaan ah” waxaa la raacaa gabar kaa fool xun sida adiga quruxdaada loo arko. 4. Qofka oo is leh saaxiibadaa ku raali gali. Marka saaxiibadiis buu xanta , kalana qayb qaadan 5. Kaftanka badan, tusaale qofka oo qofkale jila 6. Caado: Qofkani waXuu jecel yahay in mar walba wax xaanto, Tel ayuu wax ku xaanta Sidee la iskaga daaweeyaa cudurkan halista ah? Xasuuso markaad qof xamanayso, waxaad shidanaysaa xasaanaadkaagi oo dhan, baahbah baadna kadhigtay. Salaadaadii, iyo soonkaagii, iyo sadaqadaadii waxaad siisay qofka aad xamatay, adigana danbigiisi baa korka lagaa saarayaa. Aakhiro waxaad imanaysaa adigoo aan waxba heysan ah. Markasta oo aad qof xamato isku day in aad lacag sadaqaysato, si aad marka danbe xanta iskaga dayso. Mar kasta oo aad qof xamato isku day in aad soonto,sido kale salada badi waayo qof kale bad sii Siisey, Sido kale ka dheerow dadka wax xaanta, waxaa kalo oo barata tafsiirka suurada Xujaraad, walallaha Musliinkta ahow Xaantu waa dambii aad uu weyn iska ilaali oo ka dharsnow inaad ku dhacdo danbigaas. Waa khatar, Naftadda uu nax, Oo ka ilaali Naar iney ku dhacdo Qofka aad xamatay cafis kadalabo oo ku dheh walall waan ku xamaney aniga hebel ee na caafi. Hadii uu ku yimaddo qof wax xamanaya walall ka carar ama dhagahaga faraha gelii sii aad uga badbado naar,” kor ugu qeyli ku dheh iga jooji xaanta ha arko in adan xaanta jeceleyn”. Go aan adag ku gaar in aadan mar danbe qof xamanaynin, hadii aad xamatidna adaa naar isku bandhigay. Ya rabi naar ban ka nabad galney.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment