inta akhrisatay

Tuesday, December 10, 2013

U dan sheego Rabbigaa hana ka caban...... . . Bismilaah... Aduunkaan aynu ku noolnahay wuu maalmo badan yahay, wuuna isbadal badan yahay,intaad ku nooshahay raaxo dhameystiran inaad heshaa way adag tahay hadaad is tiraahdo raadina waad ku daalaysaa naftaadana been baad ka dhaadhicisay. waxaad ogaataa in raaxada aduunku tahay Alle ka cabsiga, toosnaanta, adeecida Allah subxanahu watacalaa iyo Rasuulkiisa salalahu calayhi wassalam,, waa kii lahaa mid ka midd dadkii wan wanaagsanaa ee hore hadeey ogyihiin boqoradu waxaan nicmad ku jirno waxay nagula dagaalami lahaayeen seefahooda! nicmada la sheegayaa wax kale maaheewaa nicmada Alle ka cabsiga iyo toosnaanta.iyo cibaadada. Adigoo Alle weyne swt haysta maxaad cid kale ugu cabanaysaa? soo kuguma filna Rabbigaa oo kumuuoran quraankiisa kariimka قوله تعالى " أليس الله بكاف عبده ويخوفونك بالذين من دونه" Hadii aad Allah subxanahu watacalaa talo saarato dadaalna la timaado waxaad ka baqdaa iyo waxaad ka welweshaa ma jiraan, raaxaduna waa raaxada nafta ee maaha raaxada jidhka kaliya . raaxada naftuna waa qanaacadee ku qanac wixii laguu qoray inuu khayrku kugu jiranarumeyso kana raali noqo.. Qofka muminka ah marna dabeecadiisa ka mid maaha inuu ilaahay ka ashtakoodo ama ka cowdo balse waa inuu u ashtakoodo ama u cawdo, way kala duwan yihin labadan hadal, markaad Allah subxanahu watacala ka cabanayso waxaad is waydiisaa cida kalee wax kuu qaban karta ama xaaladaada wax ka badali karta. haduu xanuun kugu raago ha oran ilaahayoow maxaad sidaan iigu galaysaa ! waxaadse tiraahdaa Alloow adaan ku waydiinsanayaa caafimaad Alloow i caafi Rabbiyoow adigaa cudurka iyo caafimaadkaba keena waxaad keentana cid celin kartaa ma jirto Allow xanuunka caafimaad igu badal Alloow waxad tahay midka markaan xanuunsado i caafiya. Hadii imtixaanada aduunka kugu bataan hadii xarigaad isku xidh tiraahdaba uu go'o, hadii waxaad u dhaqaaqdaba socon waayo, hadii , hadii , hadiimarna yaan afkaaga laga maqal ilaahayoow sidani maxay tahay? ilaahayoow ma dhibaato iyo silic baad ii abuurtay! dadka kaleba sidaan mahee aniga maxaad sidaan igu gashay ma i nacday?!! dadka kale miyaa ka war haysaa inay jiraan qaar kaa imtixaan badan laakin kaga gudbay imtixaankaa sabir iyo baryo, adiguse aad isku haysato kan aduunka kaligii ku silcaya kan kaliyee dhibku haysto kan kaliyee la imtixaamay bal wareyso dadka kale aad ogaatidnicmooyinkafaraha badan eed haysato.. Erayadan aad adeegsatay ayaa kala hufan oo kala haboon midna Allah subxanahu watacaalaa kuuma dhoweynayso oo waxaa laga yabaa inayba ka careysiiso adna waxba kuma aadan helin calaacalkiiiyo ka cabashadii Alle.laakin markaad Allah subxanahu u cabato dantaadanau sheegato salaada markaad ku jirto aad barrido inuu dhibka ku haystoo dhan kaa dul qaado waxaa hubaala in waxaad rabtaynaaad hesho ama ha soo raago ama markiiba aad heshide Allana aad u muujisay ood tustay sidaad ugu kalsoontahay baryadiisa. waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa inaan iska ilaalino inan Allah subxanahu watacalaa ka cabano nafteenana ku tarbiyayno inay ku qanacdo wixii loo qorey inayna seegayn, aan xusuusino nafteena mar walba in wax kastoo nolosheena soo mara naloo qoray inagoo caloosha hooyooyinkeen ku jirna,markaa ha isku daalinhana ka welwelin maxaa beri dhici doona iyo xageen mari doonaa, maxaan cuni doonaa iwm, adigu dadaal la imoow baryadana badi Allena talo saaro hana caajisin dadka waxaa u liita midka ducada ka caajisee

No comments:

Post a Comment