Aad
iyo aad bay u dhibaato badantahay arimaha ka jira xaga guurka, waayo
guurkii wuxuu noqday mid qaab daran oo diinta aan waafaqsanayn.
Siyaabaha
uu ku noqday waxaa ugu horeeya gabadha iyo wiilka isdoonaya marka
horaba xaga diinta iskuma doonaan, ee waxaa la isku doonaa xoogaa xoolaa
iyo gabadhoo quruxbadan iyo wax kale, ee diin in la isku qadariyo way
dhimatay. Taasi waxaa ka abuurmay guurka noocaas oo kale ah inuu
sharcigaba waafaqin. Mida kale, dhibaatada kale oo timid waxay ka timid
xaga waalidka, waalidkii waxay noqdeen kuwo dhib badan, oo kheyrkoodu
yar yahay. gabadh markaad ka doonato reer, hadday diintaada,
Islaamnimadaada, iyo wanaagaada ay yaqaaniin, markaad utagto waxay ku
leeyahay “hayee, odayaalbaa la siiyaa gabadha ee odayaal keen.” War
gabadha ma odaybaa guursanaaya mase anaa guursanaaya, waa yaabe? Ma
wiilka gabadha kaa soo doonay siisid. War odayaasha lahadla, oo xaqa
siduu yahay tusiya! Waa dad kheyrkii oo dhan ka fagaaday, oo xumaan ku
sifoobay. War xagee laga helay gabar ay odayaal dhaqaan ninbaa dhaqa
inantee. Gabadhese aabeheed ayaa mas’uul ka ahe xagee laga keenay
waxaan, war arintaan diinta xagee ku qortay? Lama hayo waa caado
jaahili, oo meelay ka timid aan la garaneyn.
Haddii
markii aad odayaal geyso oo gabadhii lagu siiyo, maxaa lagugu oranayaa:
Waxaa laleeyahay “aaway lacagtii sooriyada? Awaaway tii abtiga? Aaway
tii islaanta dhashay?” Yaa yiri dadka iibsada. Rasuulka SCW xadiis
saxiixa wuxuu kuyiri: “Sadex qofood Ilaahey lama hadlo, danbigana uma
dhaafo, cadaab ayeyna leeyihiin.” Sadexdaa qofood waxaa ka mid ah: Qof
xor ah, axadkii iibsada lacag inta kalabaxa lacagtaa cuna Alle
naxariistiisa ma arkuu leeyahay. Haddaba dadka ama raga gabdhaha laga
soo doonayo oo ku xiraaya intaasoo dhaqaale in laga bixiyo gabadha ay
dhaleen inay iibsadeen ha ogaadeen, oo lacagtay ku iimsadeen cuneen ayna
xaaraan tahay. Laakiin ninka gabadha guursanaaya waxaa waajib ku ah
reerka uu gabadha ka guursanaayo inuu udhaqaaleeyo sida waalidkii oo
kale. Wiilka hooyadiis iyo aabihiis waxii uu heli karo isagaa siinaya oo
waajib ku tahay, laakiin xoolaha aad hablaha ku xiraysaan la’idin ka
soo doonay odayaashow ka hara haddaa diin leedihiin Allana aad ka
cabsanaysaan. Haddii kale waxaad ku haysaan “Sooriyaa labixin jirey iyo
gogol gabar laguma bixiyo aan lacag lagu bixineyn.” Waayo waxaa maalin
walba la maqlayaa ayadoo la leeyahay “Haa, gogol qalalan inan laguma
bixiyo.” Yaa ku yidhi gogosha soo qoo, biyo ku daadiya haddaa qoyaan
doonaysaan.
Haddaba
sharciga Islaamku sidaa ma ogola ee arrintaa hala iska joojiyo. Ninkii
isaga gabar guursada waxaa ku wanaagsan inuu reerkeeda ixtiraamo, waxii
uu heli karana u qabto siduu hooyadiis iyo aabihiis u dhaqaaleynaayo oo
kalena u dhaqaaleeyo. Taasi waa xuquuqda la isku leeyahay, laakiin mida
ku saabsan dhaqaalaha aan ka soo waranay, oo odayaasha gabdhaha ku
xirayaan lacag, ogow sharciga islaamka ma ogola arinkaas. Sida diintu
tahay aan ugu dhaqano Allena aan ka cabsano SW. Gabarta marka
labixinaayo waxaa ladoonayaa ninka la siiyo inuu ku qanacsanyahay.
Kafaa’ada Islaamka ogolyahay waxa weeyaan xaga Islaamnimada, maxaa
yeelay Islaamka dadkiisu kuligood waa walaalo, axad walba oo muslimiinta
ka mid ahna axadka kale waa u banaantahay inuu guursado oo lana
noolaado. Rabina quraanka wuxuu ku yiri isagoo noo cadeynaya muslimiinta
inay simanyihiin oo isku kuf yihiin: “Mu’miniintu waa uun walaalo”
Sida
ay xaqiiqadu tahay Rabbi ma kala qaadin, ee wuxuu inoo sheegay
muslimiinta inay walaalo yihiin. Haddaba ninyahow muslimka ahow haddii
gabartaadu soo doono wiil Islaam ah, oo aqlaaqdii iyo diintii Islaamka
leh, ha ku xujeynin qabiilnimo iyo xoolo haddaa iimaan leedahay, maxaa
yeelay mu’miniintu waa walaalo. Ninyahow muslimkaa adiguna gabadha aad
guursanaysid waxa aad ku raacdo ha noqdo iimaanka iyo wanaaga siday
diinta ugu socoto. Gabaryahay muslimadaa adiguna ninka aad raacayso ha
noqdo waxaa ku raaceysid inuu diinta ku fiican yahay oo aqlaaqda
Islaamnimada leeyahay. Saas ayaa la doonayaa haddaa fulin waydaan ka
bixi maysaan cariiri iyo dhibaato. Rabbi wuxuu inoo sheegay inaan
dumarka ka guursano tii ku cajibasi, oo idil, dumarkii lama kala qaadin,
qabiil looma qaybin, midabna looma qaybin, ee kuligood waxaa adiga aad
doonaysid inaad ka guursatid oo sharciga kuu ogolaaday ayaa laguu
sheegay. Haddaba muslimiintooy baraaruga, oo Rabigiin ka cabsada, oo
waxa aad darbiyada iyo suuqyada la wareegeysaan joojiya. Gabadha
muslimada ah, oo aad u wanaagsan, ee cafiifada ah, ninka faasiqaa laguma
dari karo, haddaysan ayada raali ka ahayn. Faasiqa iyo faasiqada way
isguursan karaan hadday isdoonayaan, laakiin qof isagu wanaagsan, oo
iimaankiisu uu muuqdo, iyo qof fisqi iyo macaasi waaweyn lagu arkayo in
la isku qasbo cadaalada ma ahan.
Rabbi
quraanka wuxuu ku yiri: “Ragga iimaanka leh iyo dumarka iimaanka
gabalkood gabalka kalo ilaaliyayaal bay u yahiin.” Waa dad is ilaalinaya
oo isdhowraya markastaba. Muminiinta iyaga unbaa walaalo ah wanaaga ku
wada socda. Kafaa’ada lafiirinayaa waa xaga istiqaamada iyo xaga
aqlaaqda. Waxyaalaha ay fuqahadu gabalkood yiraahdeen nasabka waa la
eegayaa (Carab iyo Cajam), sancada waala eegayaa, daliil loma hayo,
waayo Rabbi quraanka wuxuu ku yiri: ”Qofka idin kugu karaamada badan
Alle agtiisa waa qofka idin kugu cabsida badanle. ” Axad axad ka karaamo
badan majiro ilaa cabsida Alle ma’ahane. Cabsida Allena waxaa
layiraahdaa qofka inuu gudo xaqa uu Alle ku leeyahay, iyo xaqa dadka iyo
maqluuqa kaleba ku leeyihiin. Qofka waa inuu xaqa Rabbi guto, oo xaqa
bani’aadamkana guto, markaas ayuu taqi yahay oo Allena kacabsaday.
Rasuulka
SCW wuxuu yiri: “U guuriya hadduu idiin yimaado axad diintiisa iyo
aqlaaqdiisa raali laga yahay.” Haddaa samayn waydaan dhulka waxaa
ahaanaysa fidno, bilaayo, iyo fasaad wayn.
Dadka
Islaamka ahoow Rabigiina ka cabsada oo ku dadaala nin diin iyo aqlaaq
leh hadduu yimaado gabadha hala siiyo. Rasuulka SCW waqtiguu joogay
waxaa dhacday ninka lagu magacaabu Abuu Qurayfa in uu guursaday gabarta
layiraahdo Hinda binti Waliid. Ninkaasu wuxuu ahaa nin ay xoreeyeen reer
Ansaareed, gabarta uu guursaday waxay kamidtahay qabaa’ilka ugu
sharafta badan Qureysh. Ninka Bilaal Ibnu Rabaax wuxuu guursaday ninka
layiraahdo C/raxman Ibnu Cawf walaashiis. Halkaas waxaa ka ogaatay inaan
loo qaybin karin dadka Carab iyo Cajam xaga nasab ahaanta oo aan lagu
kala duri karin. Laakiin qofka hadduu diin leeyahay waa laga guursan.
Cali Ibn Abii Dhaalib ayaa lawaydiiyey oo layiri dadka bal kawaran
makala sharaf badan yihiin? Wuxuu yiri: “Dadka gabalkoodka gabalka kale
kuf ayuu u yahay, carabtooda iyo cajamtooda waana isla mid hadday
Islaamaan oo ay Alle rumeeyaan.” Marba hadday muslimiin yihiin oo iimaan
leeyihiin wax lagu kala qaadi karo malahan ayuu yiri Cali.
Culumada
ayagoo nasabka ka hadlaya, oo yiri dadka gabal iskuma mid ma’ahan.
Waala doonayaa labada qofood in la’eego, oo bal inay wada noolaan karaan
xaga aqlaaqda, laakiin waxa qabiilka layiraahdo iyo waxyaalaha kale oo
guurka lagu xiray, halaga saaro oo Rabbi halaga baqo. Rasuulka SCW wuxuu
cadeeyey ninkasta oo diin iyo dabeecad wanaagsan leh, gabar diin iyo
dabeecad leh hadduu soo doono in loo diido inaan loo baahneyn. Xaqiiqada
markii la fiiriyana xaalada sidaas weeyaane bal ku dadaala oo Rabbi ka
cabsada.