ASBAABAHA KUU FUDUDAYNAYSA ARZAAQADA in lagu wasiciyo
Fadlan Haddii aad dooneysid inuu ilaaheey
Arzaaqada kuu Waasiciyo, Fadlan samee
Qodobadaan:-
1- BADI ISTAQFAARTA.
Sida uu Allaah uu Quraanka inoogu sheegay, markuu
Nabi Nuux CS, Qoomkiisa uu la Dardaarmaayey
wuxuu ku yiri:- Haddii aad Rabtaan Maal iyo Owlaad
Allaah Dembi dhaaf weydiista waad Heleysaan.
Rasuulkeena CSW, isna wuxuu yiri:- Qofkii Laazima
Istaqfaarta, Allaah wuxuu u yeelaa Hammigiisam
wuxuuna u Furaa Faraaj uu kaga baxo Ciriiriga.
2- TAQWADA ALLAAH.
Waa inuu Qofku la yimaado Taqwo hadduu rabo inuu
Allaah Arzaaqada u Waasiciyo, Allaah SW,
wuxuuyiri:- Qofkii Allaah ka Cabsada, wuxuu Allaah
u Furaa Faraaj, wuxuuna ka Arzaaqaa meel uusan
wax ka Fileynin.
3- TAWAKAL.
Waa inuu Qofku Allaah ku Kalsoonaado, oo uu Allaah
Talo saarto.
4- QARAABADA OO LA XIRIIRIYO.
Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Qofkii raba Cimri Dheer
iyo in Arzaaqada loo badiyo ha Xiriiriyo
Qaraabadiisa.
5- WAX BIXINTA (SADAQADA).
Waxaad bixisaan oo Maal ah, waxaad heleysaan
Beddelkooda.
=================================
(ALLaha wax irsaqoow waxan ku weydisaneyna irsaq xalal ah oo wanagsan )
No comments:
Post a Comment