Qofkasta wuxuu ku Taamayaa Inuu Helo Qof Wanaagsan oo uu la Wadaago Nolosha. Wiilku wuxuu Rabaa Gabar Wanaagsan Diin Iyo Akhlaaq leh Inuu la wadaago Nolosha, Gabadhuna sidoo kale waxey Rabtaa Wiil Wanaagsan oo Mustaqbalkeeda Wanaajiya inay Hesho .
Balse Maxaa Qaldan oo sidee buu wax inaga yahay?
Aanka Jawaabee Dadka badankii waxey Garab mareen Waddadii ay ku heli lahaayeen Family Wanaagsan. Hadaad Rabto Qof Wanaagsan oo aad Adiguna Xun Tahay. Diintii Iyo Akhlaaqdiina Aadan lahayn waa Khalad Inaad Raadisa Qof Wanaagsan. ileen Adaaba ah Qof Xun.
Rabigeen isagoo ka Hadlaaya Arinkaasi wuxuu yiri:- Dumarkii Xumaa waxaa u sugnaaday (Guursanaaya) Rag Xun Xun, Ragii Xumaana Dumar Xun Xun. (Suratu Nuur).
Hadaad tahay Qof Dhawrsoon, oo Waddada Xaqana ku Toosan, Tabina Raali ayuu kaa noqonayaa, Ogoowna inaad Heli doontid Qof Sidaada Rabigii Raali Galiyay oo Dhawrsoon Xaraantana ka Dheeraaday.
Halkaas waxaan ka Fahmeynaa Hadaad Tahay Gabar Xun oo Diiday Diinta inay ku Dhaqanto Wanaagana ka Cararta Ogoow naad Guursan doontid Wiil kula mid ah oo Sidaada oo kale Caasiyay Rabbi.
Guntii iyo Gabagabadii Qof kastoo Muslim ahoow Iswanaaji, Rabigaana ka Baq, waa Hadaad Rabto Wanaag iyo Qof Wanaagsan oo aad la wadaagto Nolosha. Hadaad Caasi tahay Rabi u soo Noqo, Xumaantana ka Har, oo Wanaaga Qaado Inshaaa Allaah Waad Liibaani doontaa Adduun iyo Aakhiroba.
=============================
(ILAAHOOW XAQA NA FAHAMSII, YAA RABBI).
inta akhrisatay
Monday, September 1, 2014
See lagu heli karaa qoys muslim ah oo dhowsoon
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment