CIYAARTA IYO DHAQAAQA OO SALADA LAGU BADIYO
taasi waa aafo aysan ka nabadgelin dad tiro badan oo tukanaya
waayo ma fulinayaan amarki ilaahay yiri oo ahaa )ilaahay u istaaga
idinka oo khushuucsan ) mana fahmayaan hadalkuu ilaahay yiri oo ahaa )
waxaa libaanay mu,miniinta salaadooda ku khushuuca ) nabigana s.c.w
markii la weeydiiyaya qof sujuudaya ooo carada gacanta ku simaya waxuu
yiri ) ha masaxin carada adigoo tukanaya , hadii lama huraan noqoto in
aat sameyso hal mar quruuraxa sin, waxaa wariyay abuu da,uud 1/581
culimadu waxeey sheegeen in dhaqdhaqaaqa badan oo isku xiga oo dan
la,aanta ah salaada ku bureeyso , hadaba sidee noqonayaan kuwa ku
ciyaaraya salaadooda iyagoo ilaahay hortaagan , qaarkood saacadooda
ayeey eegayaan ama maradooda ayey toosinayaan ama sanka ayeey farta iska
galinayaan ama midig iyo bidix ayey eegayaan oo eeysan ka baqeeynin in
aragooda la dafo ama sheeydaanku salaadooda xado waa arin khatar ah
waa in la iska ilaaliyaa oo aad looga taxadaro insha allah
ILAAHAY HA INAGA YEELO KUWA SALAADOODA XAFIDA KUNA khushuuca RABINA KA AQBALO
W/Q
#abdullahi_mahad
No comments:
Post a Comment