inta akhrisatay

Thursday, August 28, 2014

DUMARKA OO IS CATARIYA MARKA EEY BAXEYSO OO RAGGA LA MARTO CARAFTEEDA


DUMARKA OO IS CATARIYA MARKA EEY BAXEYSO OO RAGGA LA MARTO CARAFTEEDA 

arintani waxeey ka mid tahay waxyaalah faafay casrigaan inkastoo nabiga s.c.w aad uga digay arintani waxuuna yiri 

HAWEENEY KASTA OO ISA SOO CARFISO KA DIBNA SOO DHAX MARTO QOOMA (RAGG) OO EEY HELAAN CARFTEEDA WAA ZAANIYAD)

dumarka qaarkood qaafil ayeey iska yihiin ama waa iska fududeeystaan arintaas marka ay la joogaan darawalka , ninka wax iibiya iyo waardiyaha iskuulka ama raga kaloo jidka socda , balse shareecadu aad ayeey u adkeeysay in dumarka catarka is mariya ay uqabeestaan sida qasliga looga qabeeysto , xataaa hadey dooneyso masjidka nabiga s.c.w waxuu yiri ,) haweeney is soo carfisay ka dibna soo aaday masjidka oo eey helaan riixdeedi dadka lagama aqbalayo salaad ilaa eey ka qabeesato qusli (janaab)

ilaahay unbaa loo sheegtaa dhibata ay leyihiin dumarka isticmaala uunsiga iyo catarka marka eey usocdaan aroosyada iyo xafladaha iyo barafuunada urka dheer ee ay ku isticmaalan suuqyada iyo gaadiidka lagu socdo iyo meelaha lagu kulmo xitaa masaajidka ayeey ku isticmaalan haweenada ramadaanka. shareecada waxaa kusoo arooray in dumarku catarkoodu yahay kan midibkiisa muuqda caraftiisuna qarsoontahay ,

ILAAHAY WAXAANU KA BARYEEEYNAA INUUSAN NOO CAROONIN OO UUSAN RAGGA IYO DUMARKA SAALIXIINTA UQABAN WAXEEY SAMEYNAYAAN RAGA IYO DUMARKA SUFAHADA AHNA UU KU HANUUNIYO JIDKA TOOSAN

No comments:

Post a Comment